4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 19, 2009
Culumaa’udiin Shir ku yeeshay Muqdisho oo ku baaqay in 120 maalmood gudahood dalka looga saaro Ciidamada Amisom


Khamiis, February 19, 2009(HOL): Shir ay maalmihii tegay ku lahaayeen Hotelka Royal Garden (EX Hotel Guuleed) Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ayaa maanta la soo gunaanaday, waxaana ka soo baxay qodobo ku jeeda Dowladda cusub ee Soomaaliya iyo weliba Kooxaha ka soo horjeeda dowladdaas.

Shirkan oo muddo todobaad ku dhow ka socday Hotelkaas ayaa waxaa looga hadlayay dhibaatooyin ku soo kordhay dalka Soomaaliya, gaar ahaan is-gaaleysiinta, dilalka iyo fasirka ay dhinacyada is-haya ka bixinayaan Diinta Islaamka.

Gunaanadkii shirka ayaa waxay Culumaa’udiinkii shirka isugu yimid ku doorteen Gole ay ku mideysan yihiin Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, kaasi oo dib loogula noqonayo waxyaabaha ay isku qabtaan dhinacyada isku haya Soomaaliya, gaar ahaan kuwo ay dhexmaraan su’aalaha doodaha diimeed xambaarsan.


Guddoomiyaha Golahaas ayaa waxaa loo doortay Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo horay u ahaa Guddoomiyaha Musaalaxada, iyadoo madashii lagu magacaabayna laga sheegay in Golahan uu ka shaqeyn doono sidii marjic rasmi ah loogu heli lahaa su’aalo diimeedyada doodaha ka yimaadaan.

Intaas kadib waxaa xafladdii gunaanadka shirka culumaa’udiinka laga aqriyay qodobo ay soo saareen Culumaa’udiinkii shirsanaa mudada todobaadka ku dhow, waxaana qodobadaas ka mid ahaa:

In muddo 120 maalmood ah dalka looga saaro Ciidamada Amisom, iyadoo mudadaasna ay ka bilaabaneyso 1/03/2009, isla markaana aan la keenin ciidamo kale.

In aaney Ciidamada Shisheeye mudadaas gudaheeda aysan sameynin wax dhaqdhaqaaq ah oo howlgallo ka mid yihiin.

In xalka mushkiladda dalka lagu raadiyo wada hadal oo aan marnaba dagaal loo adeegsan.

In 90 maalmood gudahood uu Baarlamaanka Soomaaliya shir isugu yimaado, isla markaana uu u codeeyo in dalka lagu dhaqayo Shareecada Islaamka.

In Qodobo ka hor-imaanaya Shareecada Islaamka oo Axdiga Dowladda ku jira wax laga bedelo, iyadoo loo saarayo culumaa’udiin lagu kalsoon yahay oo aqoon durugsan u leh Diinta Islaamka.

In aan dadka la gaaleysiin karin iyadoo aan wax cad lagu heynin.

In la joojiyo dilalka dadka aan waxba galabsan.

In Mujaahidiinta ay abuuraan fursad qodobadan lagu hirgeliyo.


Guddoomiyaha Golaha Marjica Culumaa’udiinka Soomaaliyeed Sh. Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in shirkan la qaban qaabiyay kadib markii ay Shacabka Soomaaliyeed heleen fursado ay tahay in ay ka faa’iideystaan, wuxuuna caddeeyay in ay fursadahaas yimaadeen kadib markii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxeen Soomaaliya. Shiikh Bashir waxaa uu sheegay in haddii aan fursaddan laga faa’iideysan ay khasaare u tahay Umadda Soomaaliyeed oo muddo dheer dhibaato ku soo jirtay.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo isna gunaanadkii shirka ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u fuushay in ay qariidada caalamka ka baxdo, wuxuuna ceeb iyo wax laga wanaagsan yahay ku tilmaamay in aaney dadka Soomaaliyeed fahamsaneyn heerka ay taagan yihiin.

Ugu dambeyntiina, Shirkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo kadib bixitaankii Ciidamada Itoobiyaanka ee Soomaaliya ay soo baxeen kooxo Islaamiyiin ah oo isku khilaafsan habka loo marayo xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya, iyadoo khilaafkaasna uu dhinacyada is-hayo gaarsiiyay in ay masjidyada iyo qalabka warbaahinta iska radiyaan.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia