5/14/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 17, 2009
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Sirdoonka Puntland oo xalay lagu dilay magaalada Boosaaso

Talaado, February 17, 2009(HOL): Kooxo dablay hubaysan ayaa xalay bartamaha magaalada Boosaaso ku dilay sarkaal ka tirsan Ciidamada Sirdoonka Puntland xilli uu ku sugnaa Hotel Guuleed oo ahayd goobtii uu ka daganaa  Magaalada Boosaaso.
 
Goobta uu dilka dhacay waxaa isugu soo xoomay dadwayne aad u fara badan ,iyadoo markii danbe ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa degmada Boosaaso, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halkii falka dilka ah ka dhacay.
 
Taliye ku Xigeenka Ciidanka Poliska DGPL Maxamed Siciid Jaqanaf oo aan ku booqday xafiiskiisa ayaa ka gaabsaday in faahfaahin uu ka bixiyo dilka xalay loo gaysay sarkaalkaasi. Marxuumka dhintay oo magaciisa ay kusoo gaabiyeen dad isaga ku dhaw dhaw Guuleed ayaa ahaa taliye ku xigeenka ciidanka Sirdoonka Puntland ee magaalada Garowe.
 
Ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso ayaa wada baaritaanno ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii falkaasi ka dambeeyay, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in dad looga shakisan yahay falkaasi gacana lagu dhigay.
 
Marxuumka dhintay ayaa seddex ku noqonaya laba ruux oo habeennadii la soo dhaafay si kala gooni gooni ah loogu dilay xaafado ka mid ah magaalada Boosaaso oo ah xarunta Ganacsiga Puntland.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia