
Elizabeth Blunt
BBC Addis Ababa
![]() | |
| Ra'iisul Wasaare Meles Zenawi ayaa taageeray Sh. Shariif |
Sabti, February 14, 2009(HOL): Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, ayaa sheegay in dalkiisu uu hiil iyo hoo-ba diyaar ula yahay dowladda uu hoggaamiyo m/weyne Shariif, uuna la shaqeyn doono.
Labo sano ka hor, Ethiopia ayaa ciidankeeda u dirtay Somalia, si ay ula dagaallamaan dhaqdhaqaaqii Midowga Maxkamahda Islaamka, ee uu Sh. Shariif Sh. Axmed qeybta ka ahaa. Haddana, mar haddii uu madaxweynihii Somalia noqday, Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa u ballaanqaaday inuu taageeri doono. Meles Zenawi, ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay in dowladdiisu ay hiil iyo hool la garab taagan tahay maamulka cusub ee Somalia, isagoo intaas ku daray in maamulka cusub loola dhaqmi doono sidii loola dhaqmi jiray kii ka horreeyey.
Mar la weydiiyey xiriirka shakhsiga ah ee ka dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne Sharif, Mr. Zenawi wuxuu sheegay in intii muddo ahba ay Ethiopia xiriir la laheyd Sh. Sharif. Wuxuuna intaas ku daray in Ethiopia aysan heynin wax macluumaad ah oo muujinaya inuu Sh. Sharif ka tirsanaa urur argagixiso. Balse uu ahaa Islamiste oo kaliye, taana aysan Ethiopia wax dhibaato ah ku qabin.
Warfidiyeennada ayaa R/W Meles Zenawi ku cadaadiyey inuu caddeeyo wixii Ethiopia uga baxay faragalinteedii millatari ee Somalia, ha yeeshee Mr. Zenawi ayaa iska diiday inuu ka faalloodo khasaaraha xagga nafta ah, iyo midka dhaqaale ee dalkiisa kasoo gaaray fara galintaas.
Ra'iisul Wasaare Zenawi ayaa ku celceliyey in faragalintii millatari xooggeedii uu dhamaaday, isagoo intaas raaciyey in ciidankiisu aysan dib ugu laaban doonin Somalia, inkastoo uu ka reebay waxa uu ku sifeeyey xaqa ay Ethiopia u leedahay inay ka gudubto soohdinta Somalia, haddii ay qaadeyso howlgallo lagama maarmaan ah. R/W Zenawi ayaa qiray in Ethiopia ay taageereyso malleeshiyooyin qabiil, kuwaas oo kasoo horjeeda kooxda Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in beeshii markii hore bud-dhigga u aheyd kooxda Al-Shabaab, ay hadda tahay midda sida ugu daran ula dagaaleysa kooxdaas. Beeshaasi waxay u baahnaan doontaa taageero, ayuu yiri, Ethiopia-na diyaar bay ula tahay wixii ay awooddo.
Isha Warka: BBCsomali.com

Warbixinta