Khamiis, December 31, 2009(HOL): Ciidamada ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay inay qabteen bishii November ee sannadkii sannadkan wiil dhallinyaro oo qorsheynayay inuu qarax u geysto mid ka mid ah diyaaradaha rakaabka qaada ee Shirkadda Daallo.
Hadal ay wakaaladaha wararka qaarkood kasoo xigteen taliyaha ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Axmed Cali Afdooje, Afhayenka Booliiska G/dhexe C/llaahi Xasan Bariise iyo Afhayeenka AMISOM Maj. Behuko Brigiye ayay k sheegeen in wiilkaas la qabtay uuna haatan xiran yahay.
Madaxa ammaanka garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in wiilkan uu raaci lahaa diyaarad ka duulaysay Muqdisho oo ku socotay dalka Imaaraadka Carabta siina maraysay Hargeysa iyo dalka Jabuuti, ayna falkaas u arkeen inuu yahay mid argagaxiso.
"Falkan wuxuu u muuqaal ekaa mid argagaxiso, balse waxaa socda baaritaanno aan ku ogaanayno kooxda uu wiilkan xiriirka la leeyahay iyo qorshihiisa oo dhab ah" ayuu yiri Col. Bariise oo ay soo xiganaysay wakaaladda wararka AP.
Maj. Behuko oo ah afhayeenka AMISOM ayaa isaguna sheegay in falkan uu ahaa mid khatar ah oo laga hortagay, isagoo xusay in marka baaritaanka la dhameeyo ay soo bixi doonaan wararka xaqiiqada ah.
"Ruuxa aan qabannay wuxuu watay walax dareerto ah iyo walax kale oo budo ah, waxaana noo caddaatay inay yihiin walxo qaraxyo laga sameyn karo, balse waxaan markii hore u haysay inay tahay daawada lagu dhaqo lacago Black Dollar ah oo aan garoonka ku qabnay" ayuu yiri madaxa ammaanka garoonka Muqdisho Afdooje.
Mas'uul u hadlay Shirkadda Daallo ayaa sheegay inaysan wax badan kala socon arrintan, balse ay tahay mid cabsi weyn gelisay, sidoo kale ma jirto koox ka mid ah kooxaha hubeysan ee Somalia oo sheegatay mas'uuliyadda arrintan.
Maxamaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidammada Ammaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho oo gacanta ku dhigay ruux ay sheegeen inuu watay walxo qarax sameeya
More News
- Xukuumadda Somaliland welwel ma ka qabtaa khatar kaga soo fool leh Al-Shabaab?
- Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo sheegay in ay maamullo u dhiseen Deegaanno ku yaal Galbeedka Magaalada Kismaayo.
- Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID oo jawaab ka bixiyay hadal ka dhan ah socdaalkii Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya ee Somaliland
- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta sheegay in fadhiyada baarlamaanka ay u qabsoomi waayeen mushaar la'aan haysata xildhibaannada
- Ha'yadda ELMAN oo soo bandhigtay khasaaraha dadka shacabka kasoo gaaray dagaalladii sannadkan dhacay
- Wasiirka Warfaafinta, Hidanaha iyo Dhaqanka ee Maamul Goboleedka Puntland oo jagadaas loo dhaariyay
- SHEEKH YUUSUF INDHA-CADDE: "Waxaan ogaannay in kooxaha Dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda ay qorsheynayaan Qaraxyo Ismiidaamin ah"
- Dagaallo u dhexeeya DFKMG ah iyo kooxaha kasoo horjeeda oo xalay ka dhacay Degmada Hodan ee Muqdisho
- Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee Xisbul Islaam oo sheegay in ay weerar ku qaadayaan Itoobiya iyo Galgaduud.