5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 16, 2009
Guddoomiyaha G/Bari ee Maamulka Puntland oo sheegay in dadka Koonfurta Soomaaliya kasoo jeeda aan mas'uuliyadda amaan-xumo la saari karin

Arbaco, 16 December 2009 (HOL) Guddoomiyaha Gobolka Bari ee maamulka Goboleedka Puntland Muuse Geelle Yuusuf oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Hornafrik ee xarunteedu tahay Muqdisho ayaa sheegay in maamulkoodu uusan eedda amaandarrada ka jirta Puntland dusha ka saarayn dadka kasoo jeeda koonfurta.

"Dadka koonfurta kasoo jeeda lama saarayo eedda ammaan xumada ka jirta Punland, balse cid walba oo dambi gasha waa laga abaalmarinayaa iyadoo aan loo fiirinayn gobolka ay kasoo jeeddo" ayuu yiri Muuse Geelle.

Su'aal ahayd sababta uu maamulka Puntland ugu amaray inay dadka kasoo jeeda Gobollada koonfureed ay uga baxaan Punland, ayna yihiin kuwa ka dambeeya falalka amaan xumo ayuu ku jawaabay:

"Haddii meel amaan xumo ka dhacdo, cid walba waa la tuhmayaan, balse ma ahan in la yiraahdo koonfur dadka ka yimid ayaa ka dambeeya amaan xumada, waana mid aan aad uga xumaanay hadalladii kasoo yeeray Golaha Aqoonyahannada Digil iyo Mirifle" ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Afhayeenka golaha Digil iyo Mirifle Fowzi C/nuur oo shalay hadal u jeediyay qaar ka mid ah warbaahinta ku sheegay in maamulka Puntland ay ka digtoonaadaan falalka ay ku taroorayaan dadka Gobolladooda kasoo jeeda, iyadoo guddoomiyaha Gobolka Bari uu ugu baaqay Fowzi in aqoontiisa uu kaashado oo aanay caadifadu ka badan.

Qaraxyada iyo falalka dilalka ah ee ka dhaca Puntland ayuu sheegay in dad loo hayo dhawaanna lasoo taagi doono Maxkamad lasoo taago, wuxuuse ka gaabsaday inuu sheego tirada dadka ay hayaan, isagoo sheegay in qof aan dambi lahayn la saarayo dambi.

Habeen hore ayay ahayd markii qarax geystay dhimashada saddex askari oo ka mid ah ciidamada ilaalada ammaanka ee Punland iyo dhaawaca siddeed kale uu ka dhacay Magaalada Boosaaso, kaasoo loo adeegsaday miinooyinka la hago.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya