
Talaado, December 01, 2009(HOL):Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho ku tagay saldhigyo ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley, isagoo hadallo kala duwan u jeediyay ciidamadii uu la kulmay.
Ammaanka degmooyinka Dharkeynley iyo Wadajir ayaa waxaa sugayay intii uu Madaxweynuhu booqashada ku joogay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo wata Taangiyo iyo gaadiidka dagaalka ee gaashaaman.
"Guusha aad gaarteen, una taagan tihiin maalin iyo habeen ayaan marka hore idin kaga mahadcelinayaa, marka labaad waxaan u mahadcelinayaa taliyhiina Gen. Cagey" ayuu yiri Madaxweyanha Somalia oo la hadlay ciidamo ku sugan Dharkeynley.
Madaxweynaha ayaa ku amaanay ciidamadii uu la kulmay kal adayg iyo geesinimo ay muujiyeen intii ay dagaalada kula jireen kooxaha kasoo horjeeda dowladda Somalia isagoo xusay in iyagu ay yihiin geesiyaalka dhabka ah ee dalka.

"Dadka labada degmo ku nool oo runtii idin soo dhaweeyay waa kuwo amaan mudan, runtiina waa kuwo ka fog afkaaraha wax lagu dumiyo ee dadka lagu kala qaybinayo, waana inaad iskaashi buuxa la sameysaan" ayuu yiri mar kale Sheekh Shariif.
Madaxweyanha ayaa booqashadiisa ku wehliyay xubno ka tirsan labada gole ee xukuumada iyo taliyeyaal uu ka mid yahay taliyaha ciidamada Milateriga Gen. Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal), waxaana Madaxweynuhu uu xirnaa dharka ciidamada.
"Kooxaha naga soo horjeeda waxay dadka saareen culeys aad u weyn iyagoo dadka ka qaada lacago baad ah, sidoo kalena waxay ku qasbaan inay iibsadaan dhar ay iyagu keensadeen, gaar ahaan haweenka" ayuu Madaxweynuhu sidoo kale sheegay.
Sidoo kale Madaxweynaha Somalia wuxuu carrabka ku dhuftay in dalka Somalia aan diinta Islaamka xoog lagu soo gaarsiin, balse wacdiyo iyo baraarujuno badan kaddib ay qaateen diinta Islaamka, isagoo kooxaha dowladda kasoo horjeeda ku eedeeyay inay dilaan dadka iyagoo sheegaya inay diinta Islaamka ku maamulayaan.
"Culamadii diinta nasoo gaarsiisay hal qof ma dilin, diintana dadka waa gaarsiiyeen, waxay dadka diinta ku gaarsiiyeen wacdi iyo hadal wanaagsan, ee ma aysan wadan qori iyo wax la mid ah oo dadka lagu dilo" ayuu si kulul u yiri Madaxweynuhu.
Dhanka kale, Shacabka Somalida ayuu sheegay inay ku dhiiran waayeen inay kusoo tukadaan masaajidda, maadaama dadka la dilo markii ay masaajidda kasoo baxaan, wuxuuna ku eedeeyay inay dilalkaas ka dambeeyaan kooxaha DFKMG ah kasoo horjeeda.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Somalai wuxuu ka dalbaday ciidamada inay dadka kasbadaan ayna soo celiyaan karaamadii ciidamadu lahaan jireen, isagoo sheegay in ciidanku ay yihiin ilaaliyeyaashii shacabka, iyagana laga doonayo inay kasbadaan shacabka.
Madaxweynaha Somalia ayaa todobaadkii hore sidan oo kale booqday saldhigyo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Somalia oo ku yaalla Dugsigii tababarka ciidamada ee Xalane iyo Xeebta Jasiira, isagoo ciidamadaas u jeediyay hadallo baraarujin ah.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
mohxaaji@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya