Isniin, August 31, 2009(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan ka tirsaneyn Dowladda Soomaaliya, isla markaana uu maamulkiisa yahay mid ka madax bannaan Dowladda Soomaaliya.
Shiikh C/raxmaan Macow oo markii uu shirkan jaraa’id qabanayay ay dhinacyadiisa fadhiyeen kaliya Odayaasha Dhaqanka Gobolka ayaa wuxuu sheegay in uu go’aankan qaatay kaddib markii sida uu yiri ay talada gobolka u wareegtay dhinaca Muqdisho (Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya), wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo labo jeer soo galay Beledweyne aysan ammarkooda ku soo gelin.
Taliyaha Ciidamada Gobolka Hiiraan Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Saraakiil iyo Xildhibaano kale oo ay Dowladda Soomaaliya u xil saartay wax ka qabashada Amniga Gobolka Hiiraan ayaanan shirkan Jaraa’id ka qeybgelin, lamana oga ilaa iyo haatan in go’aanka guddoomiyaha uu yahay mid isaga ku keli ah iyo in uu yahay mid mas’uliyiintaas la wadaagaan.
Hadalka uu maanta sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Hiirraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa wuxuu u muuqdaan mid ku dhashay saacado kooban oo uu Beledweyne joogay gudahooad, waayo markii uu soo gaaray Beledweyne waxaa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo uu Muqdisho ku soo arkay ay isa soo af-garteen, haatan wixii ka dambeeyana uu awaamirtooda ku shaqeyn doono.
Kala soco halkan haddii Alle idmo wixii ku soo kordha Xaaladda Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Magaalada Beleweyne
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]