Uruka Xarakada Shabaabul Mujaahdiin ee Gobolka Gedo oo Cafis u fudiyay Masuuliyiinta ku sugan Degmada Doolow ee Gobolkaasi Gedo

Isniin, 24, Aug, 2009 (HOL) Maamulka Islaamiga ah ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gobolkaasi Gedo ayaa Maanta sheegay in ay Cafis u fidiyeen Xubnaha  dowladda iyo kuwa Urur Diimeedka Ahlu Sunna ee ku sugan Degmada Doolow ee Gobolkaasi Gedo.

Shiikh Cali Cismaan Max’ed Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Islaamiga ee gobolka Gedo ayaa Saxaafadda u sheegay in ay Cafis buuxa u fidiyeen Xubnaha Dowladda iyo kuwa Ahlu sunna Waljameeca ee Dhawanahanba Dagaallada ka waday qeybo ka mid ah gobolkaasi gedo.

Wuxuu sheegay in haddii ay isa soo dhiibaan aan wax dhibaato ah loo geysan doonin balse kaliya looga baahan yahay inay alle u towbad keenaan ayna ka soo laabtaan arrimaha ay ku jiraan, isagoona sheegay in la damaanad qaadi doono ammaankooda

Sidoo kale Shiikh Cali Cismaan waxa uu sheegay in ay fursad u tahay masuuliyiinta ku sugan Doolow in ay ka faa'iideystaan fursaddan ay siiyeen Masuuliyiinta Ururka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka arimiya Gobolkaasi Gedo.

Cafiskan ay Maamulka Islaamiga ah ee gobolka Gedo u fidiyeen xubnaha ka tirsan Dowlada KMG ee Soomaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca ee ku sugan Degmada Doolow ayaa ku soo beegmaya Xilli Isbuucii aynu soo dhaafnay ay Xaalado dagaal ka aloosnaayeen qeybo kamid ah gobolkaasi Gedo.

Masuuliyiinta ku sugan Degmada Doolow ayaa ilaa iyo iminka wax hadal ah ka soo saarin arintaasi lamana oga waxa ay ka oran doonaan cafiska ay u fudiyeen Masuuliyiinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolkaasi Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya