Arbaco, August 12, 2009(HOL): Waxaa isa soo taraya khasaare u geystay dagaal xooggan oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan oo la isugu adeegsaday rasaas yar yar iyo madaafiic uu geystay dhimashada 4 ruux iyo dhaawaca 20 ruux oo kale, kuwaasi oo isugu jiray dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaallamayay.
Dagaalka ayaa wuxuu xooggiisa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Banaadir iyo KM5, waxayna halkaas ciidamada dagaallamay isku weydaarsadeen rasaas iyo madaafiic aad u culus.
Marka laga soo tago dadka ku dhaawacmay halka dagaalka ka dhacay waxaa jiray dad kale oo ay rasaas ku waxyeelleysay meelo ka fog halka dagaalka ka socday, waxaana ka mid ah labo ruux oo ay rasaas habow ah ku dhaawacday nawaaxiga Isgoyska Dabka iyagoo weliba xiligaas la socday gaari rakaab ah oo ku sii jeeday Suuqa Bakaaraha.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya dhexdooda ku dagaallamaan magaalada Muqdisho, waxaana jiray dhowr jeer ooh ore. Isku dhacyada Ciidamada ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxay muujinayaan sida uu u jilicsan yahay taliska Ciidamada Dowladda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya