5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2009
Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Muqdisho loogu qeybiyay Jaakadaha iyo Koofiyadaha Rasaasta celiya (Daawo Sawirrada)


Khamiis, April 09, 2009(HOL): Waxaa Maanta Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad qaar ka mid xarumaha warbaahinta lagu guddoonsiinayey Jaakadaha iyo Koofiyadaha Xabadaha celiya, waxaana ka soo qabgaley Munaasabaddaas Mus’uuliyiin ka socday Hayadaha Warbaahinta, Wasiirro ka socday Dowaldda Soomaaliya, Wariyayaal iyo Marti sharaf kale.


Xoghayaha Abaabulka Ururka NUSOJ Cali Macalin Isaaq


Ugu horeyn waxaa xafladda ka hadlay Xoghayaha Abaabulka Ururka NUSOJ Cali Macalin Isaaq oo ka hadlay heerarakii uu soo marey Ururka isagoo sheegey in intii uu dhisnaa uu ururka qabtey Siminaarro fara badan, kuwaasoo ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Sidoo kale wuxuu sheegay in NUSOJ ay kaalmooyin gaarsiisay qoysaska suxufiyiintii lagu dilay dalka mar uu ka hadlayay sababaha keenay in ay suxufiyiinta u keenaan Jaakadaha iyo Koofiyadaha Rasaasta celiyana waxaa uu sheegay inay tahay sidii ay ugu dhiirran lahaayeen inay si toos u tagaan goobaha ay dagaalladu ka dhacayaan, si u helaan war ka wanaagsan midkii ay horay u keeni jireen.

"Dalka Soomaaliya  waxaa ka jiray 20-sano dagaallo aan dhamaad lahayn, suxufiyiin fara badan ayayna waxyeello ku gaartay goobaha dagaallada iyagoo isku dayay inay helaan warar sugan oo ku saabsan dagaalladaas, sidaas ayaana nagu kaliftay inaan qalabka maanta guddoonsiino wariyeyaal badan" ayuu yiri Cali Macallin. Madaxa Abaabulka ee NUSOJ, waxaa uu  sidoo kale sheegay in Jaakado iyo Koofiyado intaan ka badan la keeni doono, si looga haqabtiro suxufiyiinta ka howlgala Soomaaliya in ay helaan qalabkan xabbada celinaya.


Agaasimaha Idaacadda Shabeelle Mukhtaar Maxamed Hiraabe


Waxaa kaloo halkaas ka hadley Agaasimaha Idaacadda Shabeelle Mukhtaar Maxamed Hiraabe oo ku hadlayay magaca Idaacadaha Muqdisho, wuxuuna u mahadceliyay hay'adaha RSF iyo Doxa Centre for Media Freedom oo qalabkan bixiyay, isagoo sheegay inuu qalabkan ku dhiirrigelinayo inay tagaan goobaha dagaallada si ay u helaan xogo muhim ah.

Deeqdan oo ka timid ururro suxufiyiin ah oo fadhiyadoodu ku kala yaallaan dalalka Qatar iyo France ayaa la soo marsiiyay NUSOJ, waxaana jaakadihii ugu horreeyay oo ay helaan suxufiyiinta ka howlgala Soomaaliya.


Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ahnaWasiirka Kaluumeysiga C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi)


Sidoo kale xafladda waxaa ka hadlay  Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ahnaWasiirka Kaluumeysiga  iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya, C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) wuxuuna sheegay in ururka NUSOJ uu bilaabay mashruuc aan hore waddanka looga fulin oo ah in Suxufiyiinta ku dhibaateysan dalka ay helaan Jaakadaha celiya rasaasta taasina waxaa uu ku tilmaamay mid u fududeynaysa saxafiyiinta  inay si wanaagsan u gutaan howshooda saxaafadeed.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka  wuxuu soo jeediyay Ururka NUSOJ inay sii labalaabaan barnaamijyadooda ay ku hormarinayaan Bahda Saxaafada Soomaaliyeed, maadaama uu ururku yahay mid u taagan difaacidda iyo horumarinta saxaafadda Soomaaliya.


Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble


Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble oo isagana ka hadlay xafladda ayaa u mahadceliyay intii suurtagelisay in Suxufiyiinta Soomaaliyeed loo keeno Jaakadaha iyo Koofiyadaha celiya rasaasta isagoo sheegay in halkaas ay ka muuqato in Ururka NUSOJ uu aad u danaynayo in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ka badbaadaan rasaasta ay is dhaafsanayaan kooxaha dagaallamaya markii ay halkaas war-doon u tagaan.


(Midig) Shiikh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif iyo Cali Macallin Isaaq


Gebagebadii munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah culumaa’udiinka sida weyn looga yaqaano Soomaaliya wuxuuna Sheekhu kula dardaarmay bahda saxaafadda inay howlahooda si wanaagsan oo hufan u gutaan, isagoo sidoo kalena  kula dardaarmay Ururka NUSOJ in uu  si wanaagsan uga soo baxo howlaha uu u xilsaaran yahay oo ah horumarinta Saxaafadda Soomaaliya.







Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya