Talaado, April 21, 2009(HOL): Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Isbaheysiga Xisbul Islaam Garabka Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar ayaa ugu baaaqay Xoogagga Islaamiyiinta ah ee xiisadda ugu dhaxeyso magaalada Muqdisho in ay xiisadda qaboobiyaan, isla markaana laga wada hadlo waxyaabaha ay isku hayaan.
Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Shiikh Cusmaan Ibraahim ayaa ugu baaqay dhinacyada Islaamiyiinta ah ee isku haya Magaalada Muqdisho in ay ula noqdaan waxyaabaha ay isku hayaan Shareecada Islaamka, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in xoogag soo wada halgamay oo la dagaallamay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ay haatan dhexdooda xabad isu qaataan.
Sidoo kalena Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow oo ah Afhayeenka Golaha Shuurada Xisbul Islaam garabka Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar ayaa sheegay in xiisadda u dhaxeysa xoogagga Islaamiyiinta ah ay sii hurineyso sida uu hadalka u dhigay gacan shisheeye, taasi oo si fidno ah ugu kala dab qaadeysa labada dhinac.
“Waxaa dhacday oo xaqiiqadeeda la hayaa in guryo ay ku jiraan Mas’uuliyiin Maxkamadaha Islaamka bambooyin lagu weeraray, sidoo kalena guryo ay ku jiraan Mas’uuliyiin Al-Shabaab ka tirsan bambooyin lagu weeraray, taasina waxaa ka dambeeya gacmo shisheeye oo doonaya in ay isku dhacaan Xoogagga Islaamiyiinta ah ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Baaqa xal-doonka ah ee ay sii daayeen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Xisbul Islaam garabka Dr. Cumar Iimaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Muqdisho laga dareemayay maalmihii aynu ka soo gudubnay xiisad colaadeed oo u dhaxeysa xoogag kala taabacsan Maxkamadaha Islaamka iyo Al-Shabaab.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya