4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2009
Baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in Dalka Soomaaliya lagu xukumo Shareecada Islaamka

Sabti, April 18, 2009(HOL): Baarlamaanka Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa wuxuu maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in dalka Soomaaliya lagu xukumo Shareecada Islaamka.

Kulan uu maanta ku yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya Xaruntiisa KMG ah ee Gaadiidka Booliska ayaa waxaa Xildhibaannada loogu soo bandhigay mooshin ay u soo gudbisay Xukuumadda Soomaaliya, kaasioo ku saabsanaa in dalka Soomaaliya lagu xukumo Shareecada Islaamka.


Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay Ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre ayaa waxaa ka soo xaadiray 343 Mudane, dhamaantoodna waxay u codeeyeen in shareecada Islaamka lagu xukumo Soomaaliya.

Waxaa goob-joog ahaan u joogay kulankii maanta Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Golaha Abwaannada Soomaaliyeed, waxayna soo dhaweeyeen go’aanka uu baarlamaanka Soomaaliya gaaray.

Go’aanka uu maanta Baarlamaanka Soomaaliya ku gaaray in Shareecada Islaamka lagu xukumo Soomaaliya ayaa wuxuu markiisii hore baaq ahaan uga soo baxay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Dowladda Soomaaliyeed ugu baaqday in ay Dalka Soomaaliya ku xukunto Shareecada Islaamka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa la eegi doonaa sida ay go’aankan Baarlamaanka uga jawaabaan Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood Dowladda ku tilmaamay in ay tahay mid riddo ah oo aan Diinta Islaamka wax shaqo ah ku lahayn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya