4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2008
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ugu baaqay Maamulka Somaliland in ay iska kaashadaan sugidda Ammaanka

Arbaco, October 29, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Jen. Cadde) oo maanta ka hadlayay qaraxyo is-miidaamin ah oo lala eegtay labo xarumood oo ay Ciidamada Sir-doonka Puntland ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ayaa ugu baaqay Maamulka Somaliland in ay amniga iska kaashadaan.
 
“Waan ka xumahay Qaraxyada ka dhacay Hargeysa, waxaana maamulka Somaliland ka codsanayaa in aan iska kaashanno sugidda Ammaanka, waayo qaraxyada maanta ka dhacay Boosaaso iyo Hargeysa isku waqti ayay dhaceen”ayuu yiri Madaxweyne Cadde Muuse oo sidoo kale tacsi u diray dadkii qaraxyadaas ku geeriyooday.

Madaxweyne Cadde Muuse oo isagoo ka sii dhoofayay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in labo nin oo fuliyay qaraxyadii maanta Boosaaso ka dhacay ay ahaayeen kuwo meelo kale ka yimid oo aan u dhalan Puntland, wuxuuna sheegay in ay arrintaas caddeymo u hayaan.
 
Wuxuu sheegay in Qaraxyada ka dhacay Boosaaso oo ahaa kuwo is-miidaamin ah ay ahaayeen kuwo aan horay uga dhicin Puntland, wuxuuna caddeeyay in baaritaan lagu hayo ciddii ka dambeysay.
 
Qaraxyadaas waxaa ku dhintay labo nin oo ka kaxeynayay labo gaari oo Toyata SURF ah iyo Askari ku sugnaa mid ka mid ah labada xarumood ee qaraxyada lala beegsaday.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia