4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2008
Seddex Qarax oo lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yaala Magaalada Hargeysa

Arbaco, October 29, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Xarunta u ah Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxay sheegayaan in  seddex goobood oo magaaladaas ku yaala qaraxyo lala beegsaday.
 
Goobaha qaraxyada lala beegsaday ayaa waxay kala yihiin Xarunta Madaxtooyada Somalilnad, Safaaradda ay Itoobiya ku leedahay Hargeysa iyo Xarunta Hay’adda UNDP ee Hargeysa.

Waa waqti hore in la sheego khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas oo ahaa kuwo xooggan, waxaana la filayaa in ay saacadaha soo socda soo baxaan khasaaraha dhimasho, dhaawac iyo burburka hantiyeed ee ka dhashay qaraxyadaas.
 
Qaraxyadan maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa ayaa waxay ahaayeen kuwii ugu horeeyay oo ceynkooda ah oo lala beegsado goobo ku yaala Magaalada Hargeysa oo ammaankeeda uu ahaa mid hagaagsan.
 
Qaraxyadan ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo Gobollo ka tirsan Somaliland ay ka socoto diiwaangelinta dadka ka qeybgelaya doorashooyinka Somaliland ee socda, kuwaasi oo ay dadka Somaliland ku dooranayaan cidda ay doonayaan in ay madax u noqoto.
 
Wixii ku soo kordha Qaraxyadan ka dhacay Hargeysa halkan kala soco haddii Alle idmo.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia