4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2008
XILDHIBAAN MOWLIID MACAANI: “Sac Ruqday oo ay Afar Nin kicin weysay mid Maqaarka raba ayaa ku jira”

Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ahaa Mudanayaashii shalay loo xulay in ay la hadlayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan meesha ay ku dambeyso dowladdii ay IGAD afar sano ka hor u soo dhistay Soomaaliya.

Mowliid oo inta badan ay xildhibaannada u sacab tumayeen intii uu hadlayay ayaa wuxuu sheegay in Dalka Soomaaliya uu burburay dhinac walba, dowladdii loo soo dhisay in ay burburkaas wax ka qabatana ay wax qaban weysay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay mas’uuliyadda arrintaas leeyihiin dhamaan xubnaha Dowladda Federaalka, gaar ahaan madaxda sare ee Dowladda oo ka bixi waayay is-qabqabsi dhexdooda ah.

“Sac Ruqday oo ay Afar Nin kicin weysay mid Maqaarka raba ayaa ku jira” ayuu yiri Mowliid Macaani Maxamed oo sheegay in uu taasi ula jeedo in dad ka mid ah Dowladda aysan rabin in ay dowladda cagaheeda ku istaagto oo ay shaqeyso.

Xildhibaan Mowliid Macaani oo sii hadlayay waxaa uu u mahadceliyay Urur Goboleedka IGAD  oo Dowladda Federaalka soo dhisay, welina daba socda, sidoo kalena wuxuu u mahadceliyay Beesha Caalamka oo iyadana taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Intaas kadib Mowliid Macaani waxaa uu baaq u diray Dowladda Mareykanka oo uu sheegay in wixii ka dambeeyay 1993-kii oo ciidamadooda lagula dagaallamay Magaalada Muqdisho uu Mareykanka si aan muuqan ula macaamilo Soomaaliya.

“Mareykanka labo mid ha yeelo: (1) Inta nagu soo duulo hana qabsado sida uu yeelay waddamo dhowr ah oo caalamka ku yaala (2) ama siyaasadda uu nagula dhaqmayo wax haka bedelo oo saaxibtinimada aan u heyno ha nagula dhaqmo”ayuu yiri Mowliid Macaani Maxamuud.

Wuxuu intaas ku daray Mowliid Macaani in ay Dadka Soomaaliyeed kala garanayaan qofkii wax u qabtay iyo qofkii dhibaato u geystay, “Soomaaliya waa maro jeex-jeexantay oo kaliya sidaas darteed waxaan beesha caalamka ka codsaneynaa inay gacan nagu siiso sidii aan maradaas u tolan lahayn oo aan maro uga soo saari lahayn”ayuu hadalkiisa ku sii daray Mowliid Macaani Maxamuud.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia