3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2008
Maxjarka Boosaaso oo bilaabaya in uu Dibadda u iib-geeyo Xoolo badan oo caafimaadkooda la hubiyay

Arbaco, October 29, 2008(HOL): Mas’uulka ugu sareeya ee Maxjarka Cumar Ismaaciil Waabari ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wariyayaasha waxaana uu si faah faahsan uga hadlay qorshayaasha Maxjarka iyo sababaha keenay in dhidibada loo taago. Mr Cumar ayaa sheegay inay taasi sababtay baahida xooga badan ee loo qabo Goob lagu Daaweeyo Xoolaha Puntland si ay u noqdaan Kuwa Caalamka oo dhan ka Gadma.
 
Cumar Ismaaciil waxa kale oo uu ka hadaly qaabka loo dhoofiyo xoolaha, isagoo sheegay inay wejiga koowaad u qaadi doonaan Dalalka Saudi Arabia iyo Oman kuwaasi oo uu sheegay in ay heshiisyo la soo galeen.
 
Cumar Ismaaciil ayaa ka hadlay doorka uu Maxjarkani kaga jiro guud ahaan Soomaaliya wuxuuna sheegay in Maxjarka xoolaha looga keeno dhamaan Gobolada Dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay hubinta caafimaadka xoolaha ka gacan siiyaan Dhaqaatiir Carbeed oo aqoon durugsan u leh Xanaanada Xoolaha.
 
Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ka qeybqaataan sidii loo horumarin lahaa Maxjarka Xoolaha ee Puntland, wuxuuna sheegay in haddii ay arrintaas ka qeybqaataan ay Xoolaha Soomaaliya heli doonaan suuq fiican.

Ugu dambeyntiina,  Maxjarkan ayaa ah mid wayn waxaana markii aan booqanay ku jiray  in ka badan 60 kun Neef, waa sida uu sheegay maamulka Maxjarka oo si weyn ugu howlan horumarinta Maxjarkan oo faa’iido badan u leh Xoolaha Soomaaaliyeed.




C/risaaq Shiikh Adduunyo
[email protected]
Bosaso, Somalia













Click here
10/29/2008 9:20 PM EST
Kulankan oo ay ka qaybgaleen Madaxweynayaasha, Uganda,Kenya, Somalia,Jabuuti,Madaxweyne ku xigeenka Suudaan,Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ,Xoghayaha arrrimaha Afrika ee dalka Mareykanka, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,Xoghaynta IGAD, dhamaan Xildhibaanada iyo madaxda Dawladda FKG ah iyo marti sharaf kale ayaa waxaa laga soo saaray 16 qodob oo dhamaan saameyn ku yeelanaya arrimaha Soomaaliya.

10/29/2008 9:52 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Inta la xaqiijiyay 19 ruux ayaa geeriyootay 28 ruux kale oo dhaawac kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii seddex qarax lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada Somaliland, Safaaradda Itoobiya iyo Xarunta UNDP ee Hargeysa.

10/29/2008 9:50 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Jen. Cadde) oo maanta ka hadlayay qaraxyo is-miidaamin ah oo lala eegtay labo xarumood oo ay Ciidamada Sir-doonka Puntland ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ayaa ugu baaqay Maamulka Somaliland in ay amniga iska kaashadaan.

10/29/2008 9:15 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Waxaa maanta duhurnimadii ka furmay laguna soo gebagebeeyay Xarunta KICC ee Magaalada Nairobi shirkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda IGAD.

10/29/2008 5:11 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Xarunta u ah Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxay sheegayaan in ay seddex goobood oo magaaladaas ku yaala qaraxyo lala beegsaday.

10/29/2008 4:41 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Labo Qarax oo aad u xoog badan ayaa goor dhaweyd lala beegsaday labo xarumood oo ku yaala magaalada Boosaaso, kuwasi oo ay leeyihiin Ciidamada Sirdoonka Puntland, kuwaasi oo loo yaqaana PISta.

10/29/2008 3:41 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay uu shir uga furmay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Kenyatta (KICC) ee magaalada Nairobi ayaa waxay halkaas la tageen buuqii iyo iska dhinac hadalkii ay ku hayeen Xaruntooda KMG ah ee Magaalada Baydhabo.

10/29/2008 3:40 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ahaa Mudanayaashii shalay loo xulay in ay la hadlayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan meesha ay ku dambeyso dowladdii ay IGAD afar sano ka hor u soo dhistay Soomaaliya.

10/29/2008 3:37 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL):Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Xarunta u ah Gobolka Shabelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in xaaladda Magaaladaas ay sideedii ku soo noqoneyso, isla markaana uu dib tartartiib ugu bilaabanayo dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga.

10/29/2008 3:35 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Hay'adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay abaalmarinayso warfiyeenno Soomaaliyeed oo ka kala tirsan waaxyaha warbaahinta, Qorayaasha, Warfidiyeenka Idaacadaha ee ka hawlgala Gobollada Bartamaha/Koofurta Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland.