5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 20, 2008
Xaaladda Degmada Balcad oo degan kadib dagaal ka dhacay

Isniin, October 20, 2008(HOL): Waxaa degan Xaaladda Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay shalay gelinkii dambe ka dhaceen dagaallo culus oo dhexmaray Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Xoogag Deegaanka ah oo gacan-saar la leh Maxkamadaha Islaamka.

Odayaal iyo waxgarad ka tegay magaalada Muqdisho iyo kuwo horay ugu sugnaa Degmada Balcad ayaa waxay ku howlan yihiin sidii xal loogu heli lahaa khilaafkii keenay in ay xoogaggaas ku dagaallamaan gudaha Degmada Balcad.

Dagaal labada dhinac dhexmaray oo socday muddo labo saacadood ku dhow ayaa wuxuu geystay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca seddex kale, kuwaasi oo isugu jiray dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaallamayay.

Dagaalkaas ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dadka ku dhaqan Degmada Balcad oo muddo sanado ah ay u ahayd markii ugu horeysay oo korkooda dagaallamo, waxaana jiray dad ka barakacay Degmada intii uu dagaalka socday.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaray Degmada Balcad waxay sheegayaan in xaaladda degan tahay, isla markaana uu dib u bilowday dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsdiga, inkastoo dadka ay weli dhegahooda ka sii yeereyso rasaastii iyo madaafiicdii ay shalay isku rideen dhinacyadii dagaallamayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia