Isniin, May 19, 2008(HOL): Col. Cumar Xaanshi Aadan oo ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo maalmihii aynu soo dhaafneyba ku sugnaa qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan ayaa Galinkii danbe ee maalintii shalay markii ugu horeysay meel fagaaro ah kala hadlay dadka ku dhaqan Degmada Halggan ee Gobalka Hiiraan.
Cumar Xaashi oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ayaa sida ay HOL u sheegeen dad goob joog ahaa waxaa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo dhamaan la xiriira xaalada guud ee Gobalka Hiiraan iyo waliba joogitaanka Ciidamada Itoobiya oo uu si gaar ah farta ugu fiiqay.
Waxaa uu sheegay in Dagaalada socda yihiin kuwo la xiriira oo kaliya sidii Cadowga soo duulay oo uu markaa ula jeeday Itoobiya looga xoreyn lahaa dalka, isaga oo intaa raaciyay in dadka ku dhaqan Gobalka Hiiraan aysan u fahmin arimaha socda kuwo lagu wax yeeleynayo koox ama dad gaar ah.
"" Waan og-nahay in jiraan dad si kale wax u fasiraya, lakiin waxaa haboon in mar walba aan xiqiiqda laga fogaanin, waayo Itoobiya xitaa kuwa sheeganaya Dowladda federaalka wax micno ah uma aragto,kaliya waxa ay u joogto dalka Soomaaliya waa in ay ka hor istaagto dadka Soomaaliyeed in ay isku dhaqaan Kitaabka Qoraanka ayuu yiri Cumar Xaanshi Aadan oo dhinaca kale ku baaqay in lagu soo biiro dadaalka la doonayo in dalka lagu xureeyo.
Mar uu soo hadal qaaday is bad-badalka dhinaca Maamulka ah ee ka taagan Gobalka Hiiraan waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalku og-tahay in dadka ku dhaqan Gobalkani yihiin dad hormuud u ahaa waligood halganadii la soo maray sidaa daraadeed waxaa uu yiri marnaba lama doonayo in loo madax banaaneeyo danahooda gaarka ah, isaga oo dhinaca kalana ugu baaqay Xubnaha ku jira Maamulka Cusub ee la soo dhisay in aysan ku hugoobin waxa uu ku tilmaamay Maamul ku sheega la doonayo in dadka lagu jahwareeriyo.
Cumar Xaanshi Aadan ayaa gaar ahaan kula dar daarmay Odayaasha ku dhaqan Deegaanka Halggan in ay iska diidaan fara galinta Dowladda Federaalka iyo hadii Maamulka Cusub ee la soo dhisay uu saameyn ku yeesho Deegaankooda, waayo ayuu yiri Maamul ku qotoma rabitaan gumeysi dhib wax aan aheyn lagama dhaxli doono ayuu hadalkiisa sii daba dhigay.
Inkastoo dadka intiisa badan hadal hayay joogitaanka Cumar Xaanshi ee gudaha Gobalka Hiiraan ayaa hadana waxaa la oran karaa waa markii ugu horeysay oo uu meel fagaaro ah kala hadlo dad weyne isu soo baxay, taa oo muujineysa sida wali Siyaasada Gobalka Hiiraan u tahay u qeybsan labo dhinac oo kala ah Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo xubno ka tirsan wada joogaan gudaha Gobalka Hiiraan.
Dhinaca kale Gudoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa wali u muuqda in ku adkeysanayo moqifkiisa la xiriira in uu yahay Gudoomiyaha Gobalka kadib markii uu ka biyo diiday soo xaadirida munaasabad la doonayay in xilka looga wareejiyo.
Yuusuf Dabageed ayaa kol hore sheegay in uu gobalka ku yimid wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/laahi Yuusuf Axmed sidaa daraadeed uusan aqoon saneyn Maamulka uu soo dhisay R/iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) iyadoo taana ay u muuqneyso caqabad is hortaagi karta howlaha Maamulka dhawaan Dowladdu u soo dhistay Gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Col. Cumar Xaashi oo meel fagaaro ah kula hadlay dadka ku dhaqan Degmada Halggan ee Gobalka Hiiraan
More News
- Musliminta gobolka Minnesota oo taageeray mar kale Congressman Keith Ellison.
- Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Jamaame
- Xaflado lagu xusayay gooni-isu-taagga Somaliland oo Shalay iyo Xalay ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Somaliland
- Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Suuqa Xoolaha Dayax ee Degmada Huriwaa
- Guddoomiyaha Siyaasadda Beesha Sade oo sheegay in ay ka hortegayaan Ciidamo ka amar qaata Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Kismaayo ku soo wajahan
- Nin ka tirsanaa Golaha Aqoonyahanka iyo Siyaasadda Beelaha Digil iyo Mirifle oo xalay Baydhabo lagu dilay
- Shirkada TELESOM oo $4.000 Dollar ugu deeqday dhismahada Isbitaal u gaar noqon doona Haweenka