4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2008
Saraakiil xaqiiqo raadinta ah oo ka socda Dowladda Nigeri oo Muqdisho booqday

Khamiis, March 20, 2008(HOL): Toban Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Nigeria ayaa maanta waxay booqasho xaqiiqo raadin ah ku tageen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
 
Saraakiishan ayaa la sheegay in ay sahan u yihiin Ciidamo ay Dowladda Nigeri u soo direyso Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona Ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Markii ay Muqdisho soo gaareen Saraakiishan waxay kulamo la qaateen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom ee Muqdisho jooga iyo weliba Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka wada hadleen Xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Amisom ayaa sheegay in Saraakiisha ka socotay Dowladda Nigeria ay yihiin kuwo u sii gogol xaaraya Ciidamo ay Nigeria u soo direyso Soomaaliya, inkastoo uusan sheegin waqtiga ay rasmi ahaan Nigeria soo direyso Ciidamadeeda.

Dalalka Midowga Afrika oo laga sugayay in ay Soomaaliya u diraan Ciidamo dhan 8,000 oo Askari ayaa ilaa iyo haatan waxaa laga hayaa 2,300 oo Askari oo ka kala socda Dowladaha Uganda (1,600)  iyo Burund (1,700) oo askar.

Horaantii Sanadkii 2007 ayay Dowladda Nigeria sheegtay in ay Ciidamo u direyso Soomaaliya, laakin soo daad-gureynta Ciidamadeeda ayaa waxaa dib u dhigay xaaladda Ammaan ee Soomaaliya oo sii xumaaneysay.

Ugu dambeyntiina, Socdaalka ay Saraakiishan ku tageen Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maanta uu dagaal xooggan ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha iyo weliba Suuqa Bakaaraha, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia