4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2008
Madaxweyne Daahir Rayaale oo cafis u fidiyay Maxaabiis lagu qabtay Dagaalladii dhex maray Somaliland iyo Puntland

Khamiis, March 20, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa cafis u fidiyay 78 Maxbuus oo la sheegay in lagu qabqabtay Dagaalladii dhex maray Somaliland iyo Puntland.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, oo nuqul ka mid ahi soo gaaray HOL, ayaa lagu sheegay in 78 Maxbuus oo Warsaxaafadeedkaasi u kala qaaday 67 Maxbuus oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Sool iyo 11 Maxbuus oo ka soo jeeda Gobollada Puntland, uu Madaxweynuhu cafis u fidiyay ka dib markii uu tashi la sameeyay Masuuliyiin ay arrintani khusayso.

" Markuu arkay: Dastuurka JSL qodobkiisa 90aad
 
Markuu arkay: Sharciga Maxaabiista Dagaalka ee Geneva Convention oo banaynaaya in layso celin karo maxaabiista Dagaalka.  
 
Markuu Xaqiiqsaday: Inay dan u tahay Gobolka (Geeka Afrika) Xasilintiisa maadaama dhib badani ka jirto Somalia
 
Markuu tixgaliyey: wada tashigii masuuliyiinta ay khusayso.”
Ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkan, waxa uu Madaxwenuhu go’aansaday in uu Cafis u fidiyo Maxaabiistan.
 
Maxaabiistan, oo cafiskooda Madaxweynuhu ka soo kala saaray laba Wareegto ama Digreeto, ayaa Warsaxaafadeedku sheegay in laga soo qabtay dagaallo ka kala dhacay Magaalooyinka Laascaanood iyo Dhaban-saar.

15-kii bishii October ee sanadkii hore ee 2007, ayay ahayd markii dagaal dhex maray  Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ay gacan-ku-haynta Magaalada Laascaanood kula wareegeen Ciidamada Somaliland. Kaas oo labada dhinac ay mid waliba dhinacooda ka sheegteen inay iyagu guulo ka gaadheen Dagaalkaas.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland