4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2008
Qaxooti ka kala yimid Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo Banaanbax ka dhigay Dalka Koofur Afrika

Khamiis, March 20, 2008(HOL): Qaxooti fara badan oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada Cape Town oo u kala dhashay wadamada Somalia, Zimbabwe, Congo, Malawi iyo wadamo kale ayaa waxay maanta banaan bax ku sameeyeen albaabka weyn ee baarlamaanka dowlada Koofur Afrika ee magaalada Cape Town.

Banaanbaxa ayaa waxa looga soo horjeeday qaar ka tirsan ciidamada booliska oo tacadi kala duwan u geysta dadka soo galootiga ah. Booliska ayaa dadka qaar ku sameeyay xarig iyo goobaha ganacsi oo ay dadka qaxootiga ah leeyihiin oo ay ku sameeyaan baaritaan aan horay loogu sheegin dadka goobaha is kaleh.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Jaaliyadaha dadka qaxootiga ah, waxaana  ka mid ahaa Dadkii halkaasi dadkii ka hadlay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed Mr: Cabdi Jidoow oo sheegay in wax qabadka boolisku aanu aheyn in ay xirxiraan dadka qaxootiga ah ee aan waxba galabsan hase ahaatee ay tahay in ay soo xiraan dadka dambiile yaasha ah ee mar walba u geysta dilka dhaca iyo handadaada.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu xusay in aanu boolisku waxba ka qaban dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalda Worcester oo 22 dukaan oo Soomaliyeed  lagu boobay taasi oo aan cidna loo soo xirin oo dadkii dhacay ay yihiin dadkii ugu dhawaa ee dariska la ahaa.

Dilka, dhaca, handadaada iyo waliba hadalada shisheeye naceybka ah ayaa in dhawaalaba ku soo badanayay dalka koofur afrika, kaasi oo ay la kulmaan Dadka soo galootiga ah ee aan u dhalan Dalka Koofur Afrika.

Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, Soutrh Africa