4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 6 , 2008
Kulan ay wada qaateen Golaha Odayaasha dhaqanka G/Hiiraan iyo Saraakiisha Itoobiya oo aan wax guul ah laga gaarin
Axad, 6, July,  2008 (HOL)  Waxaa ugu dambeyntii guul daro ku soo dhamaaday kulan ay wada qaateen Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee jooga duleedka Magaalada Beledweyne gaar ahaan Xeradda Jante-kuundisho.
 
Kulanka oo ahaa mid loogu tala galay in lagaga wada hadlo xiisada ka taagan Magaalada Beledweyne iyo sidii Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka loogu qancin lahaa in aysan gudaha u soo galin Magaalada si looga badbaado iska hor'imaad dhaxmara iyaga iyo kooxaha ka soo horjeeda ayay Saraakiisha Itoobiyaanku ku tilmaameen mid aan suurtagal aheyn maadaama sida ay hadalka u dhigeen uga baahan yihiin magaalada Biyo ay cabaan iyo tas-hiilaad kale.
 
Mid ka mid ah Odayaashii kulanka ka qeyb-galay ayaa waxaa uu HOL u sheegay in Saraakiisha Itoobiyaanku u muuqdeen kuwo aad uga careysnaa sidii loola dhaqmay Booyad uu lahaa qof rayid ah oo biyaha uga qaadi jirtay magaalada Beledweyne, waxaana uu intaa ku daray in ay ku gacan seyreen wax kasta oo sida uu hadalka u dhigay u diidi kara in ay gudaha u soo galaan Magaalada.
 
Waxaana uu intaas raaciyay in markii dambe Saraakiisha Itoobiyaanku sheegeen in aysan wax jawaab ah hadda arintaas ka bixin doonin, islamarkaana looga dhigo waqti kale, laakiin warar intaas ka madax banaan ayaa sheegaya in dhinaca Itoobiyaanku si cad u sheegeen in ay ka go'an tahay galista gudaha magaalada si ay u helaan tas-hiilaadka ay u baahan yihiin.
 
Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan iyo Waxgarad kale ayaa si weyn ugu howlan qaboojinta xiisadda u dhaxeysa Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga iyo Ciidamada Itoobiyaanka oo saacadihii aynu soo dhaafnay uu u dhaxeeyay guluf u muuqday mid colaadeed oo ay wadeen labada dhinac taasoo keentay in qaar ka mid ah qoysaskii ku dhaqnaa magaalada ay isaga baxaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia