4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 6 , 2008
Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud

Axad, July 06, 2008(HOL): Seddex Ruux ayaa geeriyootay Shan kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu saaka dagaal ka dhacay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
 
Dagaalka ka dhacay Degmada Cadaado ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamada Booliska Degmada Cadaado iyo maleeshiyo ka soo jeeday dhinac ka mid ah labo dhinac oo uu muran dhuleed dhexmaray, kaasi oo ku qanci waayay xukun ay riday Maxkamad la hor-geeyay muran dhuleedkaas.
 
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay isugu jiraan dhinacyadii dagaallamay, waxaana lagu soo waramayaa in kuwii dhaawacmay lagu daweynayo Isbitaalka Degmada, halka kuwii dhintayna la qaban qaabinayo aaskooda.
 
Maamul dhawaan loo sameeyay Degmada Cadaado ayaa laga dhowrayaa sida uu ka yeelo muran dhuleedkan dagaalka keenay, kaasi oo haddii aan xal loo helin keeni kara dhibaato kale oo hor leh.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia