4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 6 , 2008
Tacshiirad dhax martay Ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Shacabka Gobolka Sanaag ee Maamulka Goboleedka Puntland

Axad, July 06, 2008(HOL): Wararka ka imaanaya Deegaanka Buurta ee Gobolka Sanaaga ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Maanta Rasaaas aad u xoog badan ay dhaxmartay Ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Shacabka Gobolkaasi Sanaag, kuwaasi oo isku khilaafay sida laga yeelayo dad ajaanib ah oo Af-duub loogu haysto Deegaanka Calmadaw ee Gobolka Sanaag.

Rasaasta labada dhinac dhaxmartay ayaa dhalatay kadib markii Ciidamo ka tirsan Somaliland ay halkaasi soo gaareen taasina ay sababtay in tacshiirad ay dhaxmarto Shacabka Gobolka Sanaag iyo Ciidamadii Degmadaasi soo gaaray.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Max uud Siciidi Nuur Dabayl oo u waramayay HOL  ayaa sheegay in xaaladda Iminka ay tahay mid xasiloon,waxaana Rasaasta labad Dhinaca dhaxmartay ay socotay Muddo daqiiqado ah, iyadoo aysan jirin cid wax ku noqotay tacshiirada ka dhacday Gobolkaasi Sanaag.

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sanaag iyo Kooxaha Burcad Badeedka ayaa Maanta ku ballansanaa in la sii daaayo Dadka Ajaanibta ah ee Afduubka loo haysto, iyadoo aysan jirin wax Madax Furasho ah oo ay kooxahaasi ay qaadan lahaayeen.

Maalin ka hor ayey ahayd Markii Kooxaha Burcad Badeedka ah ay u golaadeen la haystayaasha in ay la xiriiraan Qaraabadooda iyo Ehelladooda markii ugu horaysay tan iyo intii Kooxaha Burcad Badeedka ay soo af-duubteen.

Shacabka ku dhaqan Gobolka Bari ayaa iyagu rajo xumo ka muujiyay sii daynta dadkaasi af-duubka loo haysto maadaama ay bilawdeen iska hor-imaadyo dhexmaraya Shacabka Deegaankaasi iyo Ciidamo Somaliland ah.

Beryihii u dambeeyay deeegaankaasi, waxaa ka jiray dhaqdhaqaaqyo ay samaynayaan Ciidamo ka tirsan Somaliland oo iyagu halkaasi ka samaynaya dhaq dhaqaaqyo Mileteri.

Inkastoo Tacshiirada dhaxmartay Ciidamada Somaliland iyo Shacabka Gobolkaasi aysan ahayn tii ugu horreysay ayaa hadana waxaa ay sara u sii qaadeysaa Colaadda ka dhaxaysa labada Maamul ee looga kala arrimiyo Gorowe iyo Hargaysa.
 
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia