4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 6 , 2008
COL. CUMAR XAASHI: “Xabadda waa ay soconeysaa ilaa ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Dalka Soomaaliya”

Axad, July 06, 2008(HOL): Col. Cumar Xaashi Aadan oo ah Xoghayah Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa sheegay in uu sii socon doono dagaalka ay kala soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya.

“Xabadda waa ay soconeysaa ilaa ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Dalka Soomaaliya” ayuu yiri Col. Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku soo duuleen dalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay waajib tahay in dagaal looga saaro.

Cumar Xaashi Aadan oo u waramayay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho waxaa uu intaas ku daray in aaney Ciidamada Itoobiya waxba ka khuseynin heshiiskii xabad-joojinta ahaa ee ay dhawaan Jibouti ku gaareen dhinacyada Soomaalida.

“Wada hadal iyo xabad-joojin waxay u dhaxeysaa Soomaalida, Itoobiyana ma khuseeyaan arrimahaas, waana sii soconayaa dagaalka looga xoreynayo Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in uu ku sugan yahay Deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay heshiiska ku wada saxiixdeen Dalka Jibouti ayaa waxaa sii kordhayay dagaalladii ka socday Soomaaliya, kuwaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowaldda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia