4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 6 , 2008
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sh/Hoose oo sheegay in ay Ciidamo Mileteri ah Weerar ku qaadeen Ciidamo Boolis ah oo u joogay Deegaan Jaaq-biri-weyne
Axad, July 06, 2008(HOL): Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Maxamuud Cilmi ayaa wuxuu sheegay in Ciidamo Boolis ah oo u joogay Deegaanka Yaaq-biri-weyne ay weerar ku qaadeen Ciidamo Mileteri ahoo ka tirsan Guutada 17aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in labo Askari laga dilay Ciidamadoodii joogay Yaaq-biri-weyne, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ciidamadaas Mileteriga ah ee weerarka ku soo qaaday uu watay Sarkaal uu magaciisa ku soo koobay Af-weyne.
 
“Intii aysan weerarka nagu soo qaadin ayaa waxaa Ciidamada Mileteriga weerar ku qaaday  Xoogagga Al-Shabaab oo inta u dhaxeysa War-maxan iyo Wanla-weyn uga qaatay Gaari kuwa dagaalka ah”ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cilmi oo waxba kama jiraan ku tilmaamay tuhun ay Ciidamada Mileteriga ka qabaan Ciidamadooda, kaasi oo ah in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda.
 
Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in ay ku noqonayaan Deegaanka Yaaq-biri-weyne ayna jawaab ka bixin doonaan weerar sida uu yiri gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Guutada 17aad ee Mileteriga Dowladda Federaalka.
 
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray dhinaca Deegaanka Yaaq-biri-weyne-na waxay sheegayaan in ay saaka halkaas gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo watay 13 gaari oo isugu jiray kuwo dagaal iyo kuwa Ciidamada iyo Saadkooda daabula.
 
Inta u dhaxeysa Degmooyinka Wanla-weyn iyo Buur-Hakaba ee Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bay ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay weerarro dhexmaray Ciidamda Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, ilaa iyo haatanna waxaa aaggaas kuwa sugan Ciidamada Dowladda iyo Xoogagga ka soo horjeeda.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia