4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2008
Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaallo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Khamiis, February 21, 2008(HOL): Dagaal xooggan ayaa maanta wuxuu ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Dagaalka saaka subaxnimadii ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa waxaa la sheegay in uu sababay khasaare soo gaartay dad rayid ah, waxaana la xaqiijiyay in ay deegaanka Suuqa   Xoolaha ku dhinteen 3 Ruux, 9 Ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii ay Ciidamada Itoobiya madaafiic ku garaaceen xaafado ay deganaayeen.

 

Dagaalka ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay Ciidamo Soomaali ah ay damceen in ay howlgallo ka sameeyaan Deegaankaas, iyadoo intii aysan howlgallada sameyninna ay dagaal kala horyimaadeen Kooxo hubeysan.

 

Dagaal kale oo u dhaxeeyay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday ayaa wuxuu maanta duhurradii ka dhacay agagaaraha Warshaddii Sigaarka iyo Tarraqa, lamana oga ilaa iyo haatan khasaaraha uu dagaalkaas dambe geystay sabab la xiriirta iyadoo deegaanada lagu dagaalamay ay yihiin kuwo ay dadkii deganaa mar hore ka barakaceen.

 

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxay noqotay mid ay ka dhacaan Dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo ay sii dheer yihiin qaraxyo iyo dilal lala bartilmaameedsado xubnaha Dowladda iyo Dadka la shaqeeya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia