4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2008
Suuqa Bakaaraha oo maanta mar kale ay gudaha u galeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khamiis, February 21, 2008(HOL):  Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii labaad waxay gudaha u galeen Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

 

Saaka markii uu waaga baryay kadib ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha waxaa lagu arkay Ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo lagu arkayay inta badan waddooyinka dhexmara Suuqa Bakaaraha.

 

Markii ay Ciidamadaas cabaar ku sugnaayeen gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa weerar ku qaaday kooxo Bambooyin iyo Bastoolado ku hubeysan, kuwaasi oo qadar daqiiqado ah gudaha Suuqa kula dagaalamay.

 

Ma jirin wax howlgallo ah oo ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen gudaha Suuqa Bakaaraha, marka laga reebo in ay ku sugnaayeen Waddooyin muhiim u ah isu socodka Dadka iyo weliba dhaqdhaqaaqa Ganacsiga. ]

 

Suuqa Bakaaraha ayaa maalintii seddexaad wuxuu maanta yahay mid haawanaya oo aaney ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah, waxaana taasi ugu wacan iyadoo hareeraha iyo gudaha Suuqa ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo halkaasi la geeyay kadib markii ay Kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Ciidamo ku sugnaa Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag ee Wadada Wadnaha.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa haatan waxay qaarkood bilaabeen in ay Badeecooyinkooda ka rartaan Suuqa Bakaaraha, kadib markii ay sii xumaatay xaaladdiisa nabadgelyo, isla markaana ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda ay bililiqeysto ka geysteen gudaha Suuqa Bakaaraha.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia