4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2008
UGAAS MAXAMED WELI: "Ciidamada Amisom waxaan ugu baaqeynaa in ay Soomaaliya uga baxaan muddo 25 maalmood ah, haddii ay uga bixi waayaanna..."
Khamiis, 21 February, 2008(HOL): Ugaas Maxamed Weli oo ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ciidamada Amisom in ay muddo 25 maalmood ah uga baxaan Soomaaliya, isagoo haddii ay ka bixi waayaana sheegay in ay jab  iyo halaag la kulmi doonaan.

"Haddii ay mudadaas uga bixi waayaan Soomaaliya oo ay dhegaha ka fureystaan baaqa aan u jeedineyno waxaa agoontoobi doonta Caruurtooda, Xaasaskooda wey rag weyn doonaan, Waalidiintoodana wey barooran doonaan"ayuu yiri Ugaas Maxamed Weli oo sheegay in aysan dadka Soomaaliyeed cadaawad u qabin Ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi, isla markaana aysan xuduud ka dhaxeynin.

Ugaas Maxamed Weli oo isagoo ku sugan Deegaan ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose u waramayay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho wuxuu intaas ku daray in haddii ay Ciidamada Amisom bixi waayaan ay ku Janno tegi doonaan dadka ay heystaan Dhulkooda, "Haddii ay tegi weysaan waxaa idinku Janno tegi doona dadka aad dhulkooda heysataan, waxaa idinku soo caan bixi doona kuwo badan oo aan maanta la aqoonin, waadna halaagsami doontaan"ayuu mar kale yiri Ugaas Maxamed Weli.

Waxaa kale oo uu ka hadlay Ugaas Maxamed Weerarrada lagu qaado Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, wuxuuna sheegay in ay weerarradaas yihiin kuwo sii socon doona tan iyo inta wadanka laga xoreynayo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyntiina, Ugaas Maxamed Weli ayaa wuxuu dhawaan sheegay in Ciidamada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay ku sugan yihiin inta badan Gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, marka laga reebo magaalada Kismaayo, iyadana ay doonayaan in ay si nabadgelyo ah u tagaan, isla makraana ay la hadlaan waxgaradka iyo odayaasha halkaas ku sugan, isagoo gaashaanka ku dhuftay in uusan Kismaayo tegi karin oo haatan ka horba mar laga masaafuriyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia