4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2008
Dagaal ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho

Khamiis, 21 February, 2008(HOL): Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah ayaa saaka ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa.

Dagaalka ayaa markii hore waxaa uu ka dhex bilowday Ciidamo ka amar qaata Dowaldda Federaalka Soomaaliya oo saaka tegay deegaanka Suuqa Xoolaha oo intii aysan gudaha u gelin Suuqa ay iska hor-yimaadeen Kooxo hubeysan.

Dagaalka ayaa markii uu qadar daqiiqado ah socday waxaa ku soo biiray Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisimo ku leh Xerooyinka Maslax iyo Warshaddii Baastada, kuwaasi oo adeegsanayay madaafiic iyo rasaas xooggan.

Lama oga inta uu la egyahay khasaaraha uu geystay dagaakan oo bilowday saaka subaxnimadii, waxaana taasi ugu wacan iyadoo aysan dad badan ku sugneyn deegaanka Suuqa Xoolaha, gaar ahaan halka uu dagaalka ka dhacay oo ah hareeraha Wadada Laamiga ah.

Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa todobaadkiiba maalin waxaa ka dhaca dagaal fool ka fool ah, waxaana dagaalkaasi sababa iyadoo ay Ciidamada Itoobiyaanka ka soo baxaan xerrooyinka Warshadda Baastada iyo Xeradii Maslax, isla markaana ay gudaha u galaan Xaafadaha Deegaanka Suuqa Xoolaha, waxayna dadka deegaankaas ku waramayaan in sababta ay Ciidamada u galaan Deegaankaas ay tahay iyagoo doonaya in ay gudubsadaan sahay loo wado Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Xerada Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia