4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2008
Dadka Degmada Waaberi oo ka cabanaya rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda oo dhac u geysta

Khamiis, 21 February, 2008(HOL): Dadka ku dhaqan Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa waxay qaati ka joogaan Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo habeenkii dhac u geysta.

Raggan ku labisan dharka Ciidamada Dowladda ayaa marka habeenkii la gaaro waxay falal dhac ah u geystaan dadka socotada ah iyo kuwa mehradaha ganacsi ku leh Degmada Waaberi, ilaa iyo haatanna ma jirto tallaabo laga qaaday raggaas.

Qaar ka mid ah Dadka Degmadaas ayaa waxay sheegen in ay Raggani ay yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo welibana ka soo baxa Saldhigga Degmada Waaberi iyo Xarunta CID-da ee Degmada Hodan, iyadoo dadkani qaarkood ayba sheegeen in ay garanayaan dadka dhaca u geysta.

"Degmada Waaberi waxaa isugu darsamay Tuuggo Qoryo dadka ku dhaceysa iyo kuwo Derbi-ka-boodooy ah oo habeenkii marka la seexdo guryaha u soo booda, kuwa aan hubeysneyn waan la dagaalami karnaa oo waan iska celin karnaaye yaa naga qabanaya kuwa ka tirsan Dowladda Federaalka"sidaas waxaa tiri Faadumo Cabdi Shiikh oo ka mid ah Dadka ku dhaqan agagaarka Masjidka Muuse Boqor ee Degmada Waaberi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya cabashooyinka laga soo gudbinayo rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka oo hadana dadka dhac u geysta, mana jiraan  ilaa iyo haatan wax tallaabo ah oo ay arrintan ka qabteen talisyada ay ka tirsan yihiin Ciidamadan la sheegayo inay dhaca geysteen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia