4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 15, 2008
Banaanbaxyo looga soo horjeeday xil-ka-qaadistii uu Madaxweyne Yuusuf ku sameeyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Muqdisho ka dhacay

Isniin, December 15, 2008(HOL): Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ka dhacayay banaanbaxyo looga soo horjeeday xil-ka-qaadistii uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ku sameeyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Dad aad u faro badan oo saaka waxay isugu soo baxeen Degmooyinka Yaaqshiid, C/Casiis, Kaaraan, Waaberi, Wadajir iyo Dharkeenley ayaa waxay socod ku mareen Waddooyin dhexmara degmooyinkaas, waxayna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Horjoogayaal u hadlay dadkii isugu soo baxay Degmada Dharkeenley ayaa waxay sheegeen in xil-ka-qaadista uu sameeyay Madaxweyne Yuusuf ay tahay mid looga soo horjeedo nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxayna xuseen in Madaxweynaha uu ka soo horjeedo in ay nabad helaan dadka ku dhaqan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

“Waxaan ku taageereynaa Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in uu Ciidamo gaar ah  u sameeyay Suuqa Bakaaraha oo maalin kasta ay shaqaaqooyin ka dhici jireen, hantida taallana dhac loo geysan jiray”ayuu yiri Axmed Xasan Nuur oo ka mid ah dadkii isugu soo baxay Degmada Dharkeenley.
 
Ugu dambeyntiina, Dadkii banaanbaxa ka dhigay Degmooyinka ka mid ah Gobolka Banaadir ayaa waxay sidoo kale soo dhaweeyeen dadaallada dib u heshiisiinta ah ee uu Muqdisho ka wado Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo muddo labo sano ah kadib Arbacadii dhaweyd dib ugu soo noqday Magaalada Muqdisho.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia