Golaha Maxkamadaha Islaamka oo ku baaqay in aan la xirin Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Axad, September 14, 2008(HOL): Afhayeen u hadlay Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa ku baaqay in aan la xirin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka oo lagu magacaabo C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay faa’iido badan ku qabaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in ay mudan yihiin  shacabka Soomaaliyeed in la tixgeliyo.

“Waxaan la soconnaa in Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay ka soo degaan dad cadaw ku ah Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay inta badan ilaha dhaqaalaha heysataan Ciidamo Shisheeye hadana waxaan aaminsannahay in garoonka ay ka soo degaan kana dhoofaan shacab badan oo Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan ku baaqeynaa in aan la xirin garoonka diyaaradaha Muqdisho”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.

Afhayeenkan u hadlay Maxkamadaha Islaamka waxaa uu sheegay in Garoonka Diyaaradaha uu adeegyo badan u qabto shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna adeegyadaas ka xusay in laga soo dejiyo badeecooyin badan oo ay u baahan yihiin Shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay ka dhoofaan Dad doonaya in ay waajibaadka Xajka iyo Cumrada soo gutaan, isagoo intaas ku daray in ay xusid mudan yihiin dadka iyana arrimaha caafimaad uga dhoofa.

C/raxiin Ciise Caddow, Afhayeenka howlgallada Maxkamadaha Islaamka waxaa uu dhinaca kale ka hadlay dilalka iyo dhaca loo geysanayo dad sida uu yiri Bulshada waxgal u ah, wuxuuna sheegay in ay falalkaas yihiin kuwo ka dhan ah Shareecada Islaamka, isla markaana loo baahan yahay in laga hortago.

Hadalka uu sii daayay Afhayeenkan u hadlay Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay uu Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab soo saaray Go’aan uu ku sheegayo in uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga bilaabo 16-ka bishan oo ku beegan Talaadada soo socota.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Garoonka Diyaradaaha Muqdisho oo ay haatan gacanta ku heysto Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isagoo xirnaa muddo 10 sano ka badan waxaa 14-kii June 2006 dib u furay Golihii Maxkamadaha Islaamka oo xiligaas gacan ku heynta Muqdisho kala wareegay Hoggaamiye Kooxeedyo is-diidanaa oo midba Xaafad ka talin jiray Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia