Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo si weyn u soo dhaweeyay heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta

Isniin, October 27, 2008(HOL):  Maalintii shalay ayay aheyd markii Dalka Jabuuti ay heshiis ku kala saxiixdeen Ergo ka kala socta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga dib u xoreyn oo bilihii ugu danbeeyay lahaa kulamo loogu sii gogol xaarayay qodobada laysku afgartay.
 
Haddaba markii uu soo baxay warka ku saabsan qodobada leysku af-gartay iyo in ay heshiis gaareen dhinacyadii isku hayay Siyaasada dalka waxaa la oran karaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo u hamuun iyo harraad qabay in  mar uun dhagahooda ku maqlaan Dowladda Federaalka iyo Xoogagga ka soo horjeeda oo wada hadal kadib wax uun isku afgarta.
 
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa ka mid ah kuwa sida weyn u soo dhaweeyay heshiiska la gaaray, waxaana marka ilaa shalay aad booqato goobaha lagu qaxweeyo hadal heynta ugu badan tahay Qaabka Heshiisku u dhacay, Tallaabada xigta ee la qaadi karo, iyo waliba in heshiisku noqon karo mid soo afjara Colaadda gudaha ka aloosan.
 
Laakiin marka aad hoos u sii dhuuxdo nuxurka hadal heynta ayaa waxaa kuu muuqanaya sida dadku raali uga yahay qodobada leysku afgatay gaar ahaan qodobka dhiga ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya oo goobaha la soo hadal qaaday ka mid tahay Magaalada Beledweyne.
 
Inkastoo waqtigan Gobalka Hiiraan aysan ku sugneyn Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa hadana waxaa ay dadku kuu sheegayaan in qodobkaasi yahay mid iftiiminaya arin uu muran ka taagnaa oo ah sababta keentay in Ciidamada Itoobiyaaku ka guuraan fariisinkii ay ku la haayeen duleedka Magaalada Beledweyne '' Waa tallaabo loo qaaday dhinaca Nabadda, waxaana ka fileynaa dhinacyada heshiiska gaaray in ay ka dhabeeyaan hergalinta waxyaabaha lasyku afgartay si markaa Bulshada culeyska looga dulqaado” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne.
 
Waxaase dhinaca kale marka arinka laga eego la oran karaa waxaa iyaguna jira fikraddo wali shaki iyo cabsiba ka qaba sidii gudaha looga hirgalin lahaa heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Isbaheysigga dib u xoreynta, maadaama sida dad badani qabo gudaha dalka ku wada sugan yihiin xoogagga hubeysan isla markaana aan isku aragti ka aheyn Siyaasadda dalka iyo waliba sida loo wajahayo.
 
C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia