5/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 7 , 2008
Abwaan Hadraawi oo ku baaqay in la joojiyo Dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho

Abwaan/Prof. Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi
Jimco, November 07, 2008(HOL): Abwaan/Prof. Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo haatan socdaal ku jooga Dalka Canada ayaa isagoo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho.

Abwaan Hadraawi waxa uu sheegay in dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho ee dhibaatada badan geystay ay yihiin kuwo macno la’aan ah oo ay uun ku baa’bayaan shacab badan oo aaney jirin wax ay galabsadeen.

“Waxaan ku baaqayaa in aan la sii macaansan dhiigga iyo dhimashada ka dhaceysa magaalada Muqdisho, isla markaana la raadiyo xal lagaga maarmo xabadda. waana ayaan darro weyn oo aan sabab sharci ah loo heynin waxyaabaha ay dagaalladaas u dhacayaan”ayuu yiri Abwaan Hadraawi oo ugu baaqay dhinacyada isku haya Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho inay raadiyaan xal aan dagaal ahayn.

Abwaanka waxaa kale oo uu soo hadal qaaday qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada hargeysa, wuxuuna sheegay in uu si weyn uga xun yahay qaraxyadaas oo ay dad badan ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen, wuxuuna kuwii u dhintey uu Alle uga rajeeyay in uu Janadii ka waraabiyo, halka kuwii ku dhaawacmay uu caafimaad u rajeeyay.

Arrin kale oo uu Abwaanka uga hadlay wareysiga uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxay ahayd in uu si weyn uga digayo ku dhaqanka heyb- sooca, wuxuuna sheegay in aysan taasi wax qiimo ah lahayn, isagoo weliba caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad walaalo ah oo meel qura ka wada yimid.

Abwaan Hadraawi ayaa had iyo jeeraale waxaa uu ka hadlaa dhibaatada Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa, isagoo ku baaqa in ay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ay  u istaagaan sidii xal nabadeed loogu heli lahaa dagaallada iyo dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Abwaan Hadraawi oo horay socdaal nabadeed ugu kala bixiyay Gobollo badan oo ku yaala Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu haatan socdaallo ku kala bixinayaa magaalooyinka Dalka Canada, wuxuuna ilaa iyo haatan uu ka qeybgalay labo kulan oo waa weyn oo ka dhacay Magaalooyinka Toronto iyo Ottawa ee dalka Canada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia