5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 21, 2008
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uusan Baarlamaanka Soomaaliya xaq u lahayn in uu meel-mariyo Xukuumad uusan isagu ogolaanin

Jimco, November 21, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo Wareysi gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda uu dalka ku sugan yahay, khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, Hadalkii Urur Goboleedka IGAD ee ahaa in la cunaqabateyn doono mas’uulkii ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loo arko in uu caqabad ku yahay dadaallada xalka loogu raadinayo Soomaaliya iyo arrimo kale.
 
Madaxweyne Yuusuf waxaa uu mar kale ku celiyay in aysan wax Gole wasiirro ah ka jirin Soomaaliya, wuxuuse sheegay in dalka uu leeyahay Hay’adaha kale ee Dowladda sida Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo garsoorka, wuxuuna caddeeyay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda Dowladda.
 
Waxaa uu sheegay in khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu ka dhashay Ra’iisal Wasaaraha oo ula yimid Xubno Gole Wasiirro oo aan ku saleysneyn qaab-qeybsiga 4.5, “Waan ku celiyay Ra’iisal Wasaaraha, dibna igulama soo noqon, waxaana maqlayay in Ra’iisal Wasaaraha uu Gole Wasiirro magacaabay”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.

Waxaa uu hadlay madaxweynaha warar ku saabsan in Baarlamaanka Soomaaliya uu qorsheynayo in uu meel-mariyo Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, wuxuuna sheegay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uusan xaq  u lahayn in uu meel-mariyo Gole Wasiirro ah oo uusan isagu ogolaanin, wuxuuna farta ku fiiqay in ay arrintaas sharci darro noqoneyso.
 
Waxaa wax laga weydiiyay hadal uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde sii daayay oo ahaa in uu caqabad ku yahay nabadda Soomaaliya, uuna dalbanayo in shirka dib u heshiisiinta laga wareejiyo Jibouti, loona wareejiyo Liibiya,  wuxuuna sheegay in uu warkaas yahay mid aaney waxba ka jirin, isla markaana uusan awood u lahayn in shirka Jibouti meel kale loo wareejiyo.
 
“Nabad kama soo horjeedo, hadda ayaana caddeynayaa in aan diyaar u ahay in aan ergooyinka Dowladda hoggaamiyo oo aan aado wada hadallada Jibouti, waxna kama jiraan in aan shirkaas codsaday in meel kale loo wareejiyo”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in shirka Jibouti la rajeynayo in ay ka soo baxaan natiijooyin wanaagsan oo xal u noqda mushkiladaha Soomaaliya.
 
Waxaa  wax laga weydiiyay Madaxweynaha sida uu u arkayo hadal ka soo baxay Wasiirrrada Arrimaha Dibadda IGAD, kaasi oo ku saabsanaa in la cunaqabateynayo cid kasta oo caqabad ku noqota dadaallada xalka loogu raadinayo Soomaaliya, si gaar ahna isaga farta loogu fiiqay, wuxuuna sheegay in IGAD ay u hadli karto sidii ay doonto, hayeeshee uusan rabin in uu arrimahaas si qoto dheer uga sii hadlo.

Mar la weydiiyay sababta ay Ciidamada Itoobiya ugu bixi waayeen mudadii loo qabtay oo ku beegan maanta ayuu sheegay Madaxweynaha in aanu dhaqangelin qodobkii xabad-joojinta ahaa ee midkaas ka horeeyay, wuxuuna sheegay in wixii ka dambeeyay heshiiskii Jibouti ay dagaallada sidoodii u sii socdeen.

Waxa uu ugu baaqayo Shacabka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntii laga weydiiyay Madaxweyne Yuusuf, wuxuuna sheegay inuu ugu baaqayo in ay shidada iska daayaan oo ay ka shaqeeyaan sidii nabaddii, kala dambeyntii iyo midnimadii Soomaaliya loo soo celin lahaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia