5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 18, 2008
Dowladda Itoobiya oo sheegtay in aysan diyaar u ahayn in ay Ciidamadeeda naftooda u huraan difaacidda Dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mesfen
Talaado, November 18, 2008(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mesfen oo maanta ka hadlayay furitaanka shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda  IGAD ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, isla markaana looga hadlayo xaaladda Dalka Soomaaliya  ayaa wuxuu digniintii ugu dambeysay u diray Hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo haatan khilaaf uu u dhaxeeyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mesfen waxaa uu sheegay in hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya laga doonayo in ay labo midood yeelaan (1) in ay dhaqangeliyaan qodobadii ka soo baxay Shirkii Madaxda IGAD ee dhawaan ka dhacay Nairobi, isla markaana ay khilaafaadka u dhaxeeya meel iska dhigaan (2) iyo in ay waayaan taageerada Mileteri ee ay ka helaan  Ciidamada Amisom iyo kuwa Itoobiya, isla markaana loo kala dhex baxo iyaga iyo Xoogagga ka soo horjeeda oo haatanba la wareegay gacan-ku-heynta inta badan magaalooyinka dalka Soomaaliya.

“Waxaan mar kale ku celinayaa in aaney Itoobiya diyaar u ahayn in ay ciidankeeda naftooda u huraan oo ay sii joogaan Soomaaliya, hoggaanka Dowladda Federaalkana waa in uu go’aan ka gaaro in  uu meel mariyo heshiiskii IGAD ee Nairobi ama uu ka doorto in faraha lagala baxo oo uu sii wado dagaalka dhexdiisa ah”ayuu hadalkiisa ku sii daray Seyoum Mesfen oo sheegay in marka ay Ciidamada shisheeye ka baxaan Soomaaliya aaney Ciidamada Dowladda Federaalka awood u lahayn in ay difaacaan Dowladda Federaalka, wuxuuna taas sabab uga dhigay in Ciidamadii loo soo tababaray Dowladda Soomaaliya ay shacabka ku dhex milmeen.

Shirka ay Addis Ababa ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu khilaaf bannaanka yaala uu u dhaxeeyo Madaxda sare ee Dowladda Federaalka, kuwaasi oo xalinta khilaafkooda dhowr jeer la isku dayay, hayeeshee ilaa iyo haatan lagu guuleysan la’ yahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia