Arbaco, May 07, 2008(HOL): Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay waxay shaaca ka qaaday in boqolaal Askari looga dilay Soomaaliya tan iyo markii ay Ciidamadeeda geysay Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo lagu magacaabo Wahide Belay ayaa sheegay in ay boqolaal askari uga dhinteen dagaallo ay Ciidamadooda kula jiraan kooxo wax iska caabinta oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaankooda Soomaaliya.
Afhayeenkan u hadlay Dowladda Itoobiya waxaa uu sheegay in Ciidamada ka jooga Soomaaliya ay dhan yihiin 3,000 oo Askari, kuwaasi oo sida uu yiri ka howlgala Dalka Soomaaliya oo dhan.
Laakin hadalka Afhayeen Wahide Belay ee ah in ay Ciidamada ka jooga Soomaaliya yihiin kaliya 3,000 oo askari ayaa wuxuu khilaafsan yahay hadal uu sii daayay Sarkaal Itoobiyaan ah oo ka qeybgelayay xaflad Ciidamada Itoobiya Muqdisho loogu sameeyay dabayaaqadii sanadkii hore, kaasi oo sheegay in Ciidamada Itoobiya ka jooga Soomaaliya ay ka badan yihiin 50 Kun oo Askari.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa dabayaaqadii sanadkii 2006 waxay bur buriyeen awooddii Maxkamadaha Islaamka ay ku lahaayeen deegaanno dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hayeeshee wixii xiligaas ka dambeeyay waxay Ciidamada Itoobiyaanka la kulmeen weerarro uga yimaada Kooxo wax iska caabin ah oo xooggooda kula dagaalama Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ilaa haatan u caal la’ yihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia