Arbaco, May 28, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa shaaca ka qaaday in ay Sabtida soo socota dib u bilaabanayaan Wada hadalladii nabadeynta Soomaaliya ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah
Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo u waramayay Wakaaladda Wararka Reuters waxaa uu sheegay in intii aaney Dalka Jibouti wada hadallada ka bilaaban horaantii bishan uu kulamo la qaatay dhinacyada isku haya Soomaaliya iyo weliba Soomaalida Dibadaha ku nool, isla markaana uu u sheegay in la gaaray waqtigii meel la iska dhigi lahaa khilaafaadyada iyo colaadaha.
“Waxaan u sheegay in ay dhinacyada is-haya isu tanaasulaan, waana ku faraxsanahay in ay aqbaleen in ay 31-ka bishan ay mar kale wada kulmaan”ayuu yiri Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo dhinaca kalena ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed in ay mas’uuliyad iyo xil-kasnimo ku qaabilaan Wufuud ka imaaneysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kuwaasi oo booqan doona Dalka Jibouti.
“Xubnaha ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uma tegayaan Jabuuti Wada Xaajood” ayuu yiri Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, “Waa muhiim in xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay halkaas u tegayaan in ay dhegeystaan, isku dayaan in ay fahmaan waxyaabaha ay u soo gudbinayaan Dadka ay la kulmayaan, iyagoo muujin doona taageero iyo dareenka ay ka qabaan Dadka Soomaaliyeed”ayuu mar kale yiri Ould-Abdallah.
Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa wuxuu ku guuleystay in uu horaantii bishan Magaalada Djibouti isugu keeno ergooyin ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, laakin waxaa wada hadallo labada dhinac si aan toos ahayn u dhexmaray ka biyo-diiday Xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliliya oo sheegay in ay wada hadalladaas waqti dhumis yihiin tan iyo inta ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxayaan Soomaaliya.
Inkastoo ay Soomaaliya soo martay, welina ay ku jirto dagaallo aan dhamaad lahayn hadana wuxuu sheegay Danjire Ahmedou Ould-Abdallah in ay imaan doonaan maalmihii wanaagsanaa ee Soomaaliya, isagoo dhinacyada Soomaalida ah ee is-hayana ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan, isla markaana ay u daneeyaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia