Ciidamo Itoobiyaan ah oo iyagoo Quraac u waday Ciidamo kale Qarax lagula beegsaday nawaaxiga Isgoyska Towfiiq ee Magaalada Muqdisho

Arbaco, May 14, 2008(HOL):  Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saaka waxaa qarax loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso lagula beegsaday agagaarka Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.

Labo Askari ayaa la xaqiijiyay in ay Ciidamada Itoobiyaanka qaraxaas kaga geeriyoodeen, iyadoo sidoo kalena ay jiraan kuwo kale oo uu dhaawac soo gaaray.

Ciidamada ayaa markii qaraxa lala beegsanayay waxay ka soo baxeen Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, waxayna quraac u wadeen Ciiidamo kale oo Itoobiyaan ah oo ku sugan qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, gaar ahaan nawaaxiga Isbitaalkii Carafaat.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamada Itoobiyaanka ay qaraxaas kadib fureen rasaas xooggan, taasi oo la sheegay in ay sababtay in uu geeriyoodo qof rayid ah oo ku sugnaa nawaaxiga halka uu qaraxa ka dhacay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale qarax lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo quraac u waday Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo ku sugan qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha.

Dhanka kalena, Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa iyadana warar naga soo gaaraya waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah ay gebi ahaanba xanibeen isu socodkii Dadka iyo Gaadiidka ee magaaladaas, iyadoo taasina lagu sababeeyay Ciidamada Itoobiyaanka oo biyo ka dhaansanaya gudaha Magaalada Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia