Jimco, March 07, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa looga yeeray Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, si su’aalo looga weydiiyo arrimo ay ka mid yihiin Xaaladda Magaalada Muqdisho, gaar ahaan cabashooyinka ka imaanaya Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo weliba waxyaabihii u qabsoomay Xukuumaddiisa mudadii ay jirtay.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamaed Cumar Dalxa ayaa xaqiijiyay in ay qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ay soo gudbiyeen mooshin ku saabsan in Ra’iisal Wasaaraha loo yeero, su’aalana laga weydiiyo waxyaabaha ka dhacaya dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo halka uu marayo dadaalkii dib u heshiisiinta ahaa ee uu waday.
Laakin Prof. Maxamed Cumar Dalxa waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar beryahan ay sheegayeen qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho, kuwaasi oo ahaa in Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay soo qadimeen mooshin xilka looga qaadayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
“Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu heystaa muddo lix bilood ah oo ay Xukuumaddiisa shaqeyn karto iyadoo aan Baarlamaanka la hor geynin, waase dhici kartaa in haddii loo baahdo looga yeero Baarlamaanka”ayuu yiiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo sheegay in haddii mooshin la keeno aysan arrintu ahayn in cid xil laga qaadayo.
Dalabka ku saabsan in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde looga yeero Xarunta Baarlamaanka si su’aalo loo weydiiyo ayaa wuxuu soo baxay kadib markii uu dhawaan Ra’iisal Wasaaraha uu cudurdaar ka bixiyay dhac ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka geysteen Suuqa Bakaaraha, isagoo magacaabay guddi soo baara bililiqadii loo geystay Suuqa Bakaaraha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia