5/13/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2008
Guddomiyaha Degmada Beledweyne oo eedeyn kulul u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan

Khamiis, March 06, 2008(HOL): Gudoomiyaha Degmadda Beledweyne Cilmi Saney Qaasim ayaa ku eedyaya Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) in uu la wareegay dhamaan howlihii shaqo ee Gobalka kadib markii Ciidamadda Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iska hor taageen Gudoomiyaha Degmadda Howlo lagu nidaaminayay Suuq ay ku ganacsadaan dhalin yaradda waratadda ah.

Cilimi Saney Khaasim waxaa uu intaa ku daray in qaar ka mid ah ilaaladda Gudoomiyaha u adeegsadeen rasaas kadib markii aan ka diiday ayuu yiri dalabkoodii ahaa in aan faraha kala baxo howlaha aan hayo,  """ Markii aan Ogaaday in arintu meel xun mareyso Ciidamaduna wataan amar kore ayaan isaga tagay howshii aan ka hayay suuqa ayuu intaa sii daba dhigay Gudoomiyaha Degmadda oo dhanka kale ku eedeyay Gudoomiyaha Gobalka in uu sameystay Ciidamo Jifo ah oo amarkiisa kaliya qaata.

Gudoomiyaha Degmadda Beledweyne Cilmi saney ayaa dhinaca kale ka  Codsday Dowladda Federaalka  gaar ahaan Wasaaradda Arimaha Gudaha in ay soo fara galiso howlaha ka socdda Gobalka oo sidda uu sheegay ka baxsan Nidaamkii Dowladnimo.

Lakiin Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa ku tilmaamay eedeynta Gudoomiyaha Degmadda mid aan sal iyo raad toona laheyn, isagga oo intaa ku daray in uusan ogeyn Ciidamo isagga ka amar qaata oo rasaas ku riday Gudoomiyaha Degmadda Beledweyne.

"Waa jirta in aan Ciidamo u diray Suuqa si markaa loo nidaamiyo, lakiin kama warqabo laymana sheegin khilaaf dhax-maray Ciidamadda iyo Gudoomiyaha Degmadda ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo intaa sii daba dhigay in uu  u aqoonsan yahay Cilmi Saney Khaasim Gudoomiyaha Degamadda Beledweyne.

Khilaafka ka soo dhax muuqnaya Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo kan Degmadda Beledweyne ayaa sheeca ka qaadayay warar laysla dhax marayay oo sheegayay in xubnaha ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan Diyaarinayaan qoraal loo gudbiyo Dowladda Federaalka oo ka dhan ah wadda shaqeyn lala yeesho Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan.

Dhawaan ayeey aheyd markii Gudoomiyaha Degamadda Buula-burte C/siis Duurow u soo jeediyay Gudoomiyaha Gobalka eedeyn la mid ah tan uu soo jeediyay Gudoomiyaha Degmadda Beledweyne, waxaana uu xiligaa C/siis Duurow sheegay in uusan wax wadda shaqeyn ah la laheyn Gudoomiyaha Gobalka oo ah ayuu yiri shaqi sidda uu hadalka u dhigay aan aqoonba u laheyn Nidaamka Dowladnimo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia