SHIIKH MUKHTAAR ROOBOW ABUU MANSUUR: “Wax wada hadal ah la geli-meyno C/llaahi Yuusuf, mana hor-fariisaneyno xitaa haddii ay Ciidamada Itoobiya baxaan”

Talaado, March 04, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa shaaca ka qaaday in aysan wax wada hadal ah la geli doonin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan horfariisan doonin sida uu u yiri C/llaahi Yuusuf xitaa haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaan.

“Wax wada hadal ah la geli-meyno C/llaahi Yuusuf, mana hor-fariisaneyno xitaa haddii ay Ciidamada Itoobiya baxaan” ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow oo intaas ku sii daray in haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaan ay lagama maarmaan tahay in maxkamad la soo taago oo inta aan Aakhiro la gaarin Adduunka lagula xisaabtamo.

Shiikh Mukhtaar Roobow oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho waxaa kale oo uu ka hadlay dhac ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka geysteen Suuqa Bakaaraha, wuxuuna sheegay in ay wax laga xumaado tahay in la dhaco hantida Shacabka Soomaaliyeed, isagoo beeniyay eedeymo ka soo baxa Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka oo ku saabsan in Suuqa Bakaaraha ay ku dhuuntaan Kooxaha hubeysan ee Dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka.

“Warkaasi waa waxba kama jiraan, waxaana ku sugan Suuqa Bakaaraha Ganacsato Masaakiin ah oo ku hubeysan furayaasha Dukaamadooda iyo Qasnadahooda, waadna la socotaa in fure aysan rasaas ka dhicin, marka warkaasi wuxuu ahaa mid la doonayay in lagu xalaaleysto in la dhaco Suuqa Bakaaraha”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Afhayeenka Al-Shabaab Abuu Mansuur waxaa uu ka hadlay Duqeyn ay Diyaaradaha Mareykanka u geysteen Dad ku sugan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo uu Ameerikaanka duqeeyo deegaanadaas, wuxuuna intaas ku daray in Mareykanka oo kibir ka batay uu duqeyntaas u geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Mar wax laga weydiiyay in duqeyntaas lagu bartilmaameedsanayay Shiikh Xasan Turki oo ka mid ah mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka wuxuuna sheegay in aysan sheekadu sidaas ahayn Shiikh Xasan Turkina uusan joogin Degmada Dhoobley markii la duqeynayay, “Shiikh Xasan Turki ma dili karaan Ameerikaanka, haddiise uu duqeyntooda ku dhinto waxaad ogaaneysaan in dagaallada lagula jiro gaalada uusan sidaas ku dhamaan doonin waayo waxaa jooga Dadkii uu soo tababaray Shiikh Xasan Turki Alle ha dhowree”ayuu yiri Abuu Mansuur.

Sidoo kalena, mar wax laga weydiiyay waxa uu ka leeyahay eedeymo uu maamulka Puntland u jeediyo dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ku saabsan in ay nabadgelyo darro ka wadaan Deegaanada Puntland ayaa wuxuu sheegay in ay wararkaasi yihiin kuwo aaney waxba ka jirin oo been ah.

“Puntland iyada ayaa nabadgelyo darrada isku heysa oo waad ogtihiin Baddooda ayaa Maraakiibta lagu af-duubtaa, Birrigoodana Dadka samafalka ka shaqeynaya ayaa lagu af-duubtaa marka warkaas waa mid aaney waxba ka jirin, waxayna iska jecel yihiin marka Dameer ka kufaba in ay yiraahdaan Al-Shabaab ayaa Simbiririxiyay ama wax u dhigay”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia