|
Shirkani oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Axmed Ould-Abdallah, Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo wakiil ka socday Bangiga Adduunka, kuwaasi oo si weyn uga hadlay Xaaladda Dhaqaalaha Dalka Soomaaliya. PM Nuur Cadde ayaa waxaa wafigiisa ka mid ahaa wasiirada Arrimaha Dibadda Cali Jaamac Jengili, Howlaha Guud iyo Dib u Dajinta, Nur Idow Byle, Maaliyadda iyo Qorsheynta Maxamed Cali Xaamud iyo Warfaafinta ahna PM ku-xigeenka Axmed Cabdisalaam Aadan. Marka laga soo tago hadallo soo dhaweyn ah oo ay shirka ka jeediyeen Wakiillada UN-ka iyo Bangiga Adduunka Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa shirka ka jeediyay warbixin ku saabsan Xaaladda Dalka Soomaaliya, wuxuuna soo hadal qaaday qorshe howleedyo u degsan dowladdiisa oo ay dooneyso inay wax uga qabato dhibaatada ka Soomaaliya Wuxuu sheegay in ay Dowladdiisa ku dadaaleyso sidii ay wax uga qaban lahayd ammaanka Soomaaliya, inkastoo uu sheegay inay jiraan dhibaatooyin ka heysta sidii ay nabadda u hanan lahayd, wuxuu kaloo sheegay in ay dhawaan Baarlamaanka horkeeni doonaan miisaaniyad ay dejisay Xukuumaddiisa, sidoo kalena wuxuu sheegay in ay tababareen wakiillo u howlgeli doona qaabkii canshuurta loo uruurin lahaa.
"Soomaaliya arrinteeda shir-shir waa ka tagtay ee wax la qabta haddii kale sanadka soo socda sidaan oo kale ayaa arrimaha Soomaaliya uga sheekeysan doonnaa:"ayuu yiri madaxweynihii hore ee Nigeria Nigeria General Olusegun Obasanjo oo sheegay in Wadankiisa ay Ciidamo u direen Dalka Liberia, halkaasi oo ay joogeen ilaa uu wadankaas xasilooni ka helay uuna gaaray heer doorashooyin xor ah.
Sida qorshuhu yahay shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ku saabsan Nabadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, Maalgelinta Wadamada Afrika ee aan weli tabareysan, Shaqaaleynta Dhalinyarada, Shaqo abuurista iyo weliba Arrimo ku saabsan Bani'aadannimada. Waxaa ka soo qeybgalay shirka Madaxweynihii hore ee Nigeria General Olusegun Obasanjo, Madaxweynihii hore ee Burundi Major Pierre Buyoya iyo Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Danjire Princeton Lyman. Sidoo kale kulanka ayaa wuxuu isu keeni doonaa ka qeybgalayaal ka socda Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, IGAD, Hoggaamiyayaal Ganacsato oo isugu jira kuwo Caalami ah iyo kuwo Soomaali ah, Diblumaasiyiin iyo weliba Khubarro ka faalooda Arrimaha Soomaaliya. Ahmed Gure, Hiiraan Online Windsor Hotel, Nairobi, Kenya |
|---|
Shir looga hadlayo Dhaqaalaha Soomaaliya oo Nairobi ka furmay
More News
- Dad 10 Ruux ka badan oo ku geeriyooday Madaafiic galabta lagu garaacay Suuqa Bakaaraha
- Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Nairobi gaaray
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo mar kale oo booqasho ku tegay Magaalada Muqdisho
- Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay qodobo ku saabsan la xisaabtanka Xukuumadda iyo Sicir Bararka ka taagan Soomaaliya
- Qarax xalay ka dhacay Xaafadda Buundo-weyn ee Magaaladda Beledweyne xili halkaas ay ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah
- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo Kismaayo gaaray, shirarna la leh Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Gobolka Jubbada Hoose
- Madax ka kala socota Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Nairobi ku wada sugan
- Wadada Wadnaha oo muddo bilooyin ah kadib ay maanta Dadka iyo Gaadiidka si caadi ah u isticmaalayaan
- Nin ganacsade ah oo xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo

Sabti, Mar 29, 2008 (HOL) - Hotelka Windsor oo ku yaala duleelka magaalada Nairobi ee dalka 
Waxaa halkaas khutbada xiisa leh ka jeediyry W/arrimaha Dibadda ee
Waxaa isna halkaas ka hadlay madaxweynihii hore ee Nigeria Nigeria General Olusegun Obasanjo oo sheegay 


