Talaado, March 25, 2008(HOL): Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Cumar Ibraahim Shaacshaac ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka shalay lagu qaaday Saldhigga Booliska Degmada Hodan ay ka dambeeyeen sida uu u yiri Kooxda Al-Shabaab oo gacan ka heleysay ganacsatda Suuqa Bakaaraha.
Shaacshaac oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in uu taas ku caddeyn karo in kooxihi weerarka ku soo qaaday Saldhiggaas ay ka soo baxeen Suuqa Bakaaraha, markii dambe ay isla Suuqa ku noqdeen.
Waxaa uu sheegay Shaacshaac in Weerarkii shalay lagu qaaday Ciidamadii ku sugnaa Saldhigga Degmada Hodan uu soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiray, isagoo carrabka ku dhuftay in afar Askari laga dilay, sidoo kalena laga dhaawacay Ciidamo kale oo badan.
“Ganacsatadu waxay ku fashilmeen qorshe ay sheegeen in ay Ciidamo ugu sameynayaan Suuqa Bakaaraha, waxayna hadda la safteen kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Dowladda, arrintaasna tallaabo ayaan ka qaadeynaa”ayuu yiri C/llaahi Shaacshaac Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Afhayeenka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Suuqa Bakaaraha uu noqday meel laga soo abaabulo weerarrada lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in weerar dhawaan lagu qaaday Saldhigga Degmada Howlwadaag isna laga soo abaabulay gudaha Suuqa Bakaaraha.
Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay Xaaladda Suuqa Bakaaraha ahayd mid degan, isla markaana uu furnaa Isgoyska Howl-Wadaag oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dadka iyo gaadiidka u diidi jiray in ay isticmaalaan Wadadaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia