4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2008
Xukuumadda Somaliland oo mar kale ku baaqday 3 Maalmood oo Soon ah iyo isu-soo bax kale oo Roob-doon ah

Isniin, 17 March 2008 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku baaqday in dalka oo dhan laga sameeyo isu soo bax ballaadhan oo roob-doon ah iyo saddex maalmood oo Soon ah, kadib markii abaarta dalka ka jirtaa ay sii daba-dheeraatay, isla markaana ay ku baahdey qaybo badan oo dalka ka mid ah.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, mudane Sheekh Maxamuud Suufi Muxumad iyo Wasiirudowlaha Arrimaha Gudaha, mudane Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macallin) oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la sii wado ducada Roob-doonta iyo Dembi-dhaafka Allaah la weydiisanayo, Illaahay ummadda uga dulqaado dhibaatada Abaarta iyo Biyo la’aanta oo ay sheegeen inay dalka oo dhan saamaysay, isla markaana ay daba-dheeraatay.

Labada Wasiir waxay sheegeen in Golaha Xukuumaddu hore u go’aamiyey in sameeyo roob-doon iyo Alla-bari, taas oo ay sheegeen in la bilaabay, ducada Qunuudduna ay ka socoto masaajiddada, balse, loo baahan yahay in la sii wado ilaa Roobku da’ayo.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo ugu horrayn shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa dadka ugu baaqay inay soomaan Saddex maalmood oo ka bilaabanaysa Salaasada, isla markaana maalinta Saddexaad oo ku beegan Khamiistana la isugu soo bixi doono Fagaarayaasha, halkaas oo lagu tukan doono salaad Roob-doon ah, laguna ducaysan doono, isaga oo dadweynaha magaalada Hargeysa ku adkeeyey in Khamiista, 9:00 subaxnimo ay isugu soo baxaan Fagaaraha Beerta Xorriyadda. “Ha loo dhega-nuglaado arrintaa, maxaa yeellay dhibaatadii way inagu ballaadhatay oo Bari iyo Galbeedba waa laga sheegayaa roob la’aan, abaartiina waxaad mooddaa inay caam noqotay,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Markaa si qalbigeennu meel ugu wada dhaco oo aynu meel isugu wadanimaadno oo halkaa Illaahay ku wada barino, sidaas baynu yeelaynaa oo inoo ballan ah.”  Waxaanu sheegay in isu soo baxa Khamiista iyo Soomku ay dhammaystir u yihiin isu soo bixi hore ee Roob-doonta ahaa ee lagu qabtay Garoonka Kubbadda Cagta ee Hargeysa, 06 March.

Waxana uu dadka guud ahaan ku waaniyey inay toobad keennaan oo Illaahay u noqdaan, si dhibaatada uu uga dulqaado.

 Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, mudane Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macallin) ayaa isaguna ka warbixiyey xaaladda guud ee Abaaraha dalka ka jira iyo tallaabooyinka xukuumaddu doonayso inay wax kaga qabato. “Sidaad ogtihiin waxa jirta abaar ba’an oo bariga shishe ka soo bilaabantay, Galbeedkana u soo baahdey, gobolada oo dhanna laga soo cabanayo in abaar, biyo la’aan, xaaluf dhulkii ka jira iyo xanuunoba inay jiraan,” ayuu yidhi Xasan Macallin.

Waxana uu intaas ku daray inuu jiro go’aan Golaha Wasiirradu qaatay oo ah in Illaahay la baryo, maadaama dhibaatadu ay tahay mid ballaadhan oo Illaahay oo keliya uu qaadi karo. Isla markaana waxa uu sheegay in wixii la qaban karayona la qabanayo oo haddaba ay dowladda iyo hay;aduhu u baxeen dhulka abaaruhu ka jiraan, min Gobolka Sanaag, ilaa Waqooyiga Hargeysa, iyada oo la soo eegayo ayuu yidhi inta ay dhibaatadu le’eg tahay, dhulka la isugu guurey iyo waxa laga qaban karo.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.