4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2008
Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Diinsoor

Isniin,  March 17, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka waaberigii gaareen Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo horay loogala wareegay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in markii ay gaareen Degmada Diinsoor ay fariisimo ka sameysteen gudaha iyo daafaha Degmada, iyagoo sidoo kalena howlgallo ka sameeyay gudaha Degmada, isla markaana kaxeystay mid ka mid ah Oday Dhaqameedyada sida weyn looga yaqaano Degmadaas, kaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn meel ay la aadeen Ciidamada Itoobiyaanka.
 
Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa waxaa gacan ku heynteeda dhawaan la wareegay Xoogag ka tirsan Dhaqdhaqaaqa AlShabaab, kuwaasi oo uu horkacayay Afhayeenka Alshabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo weliba dharaar cad bartamaha Degmada Diinsoor ugu qudbeeyay dadka Degmadaas.
 
Markii ay Xoogagga Alshabaab la wareegeen gacan ku heynta Degmada Diinsoor ayay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo weliba mas’uuliyiintii Degmadaas ku sugnaa halkaas isaga baxeen iyagoo u baqoolay dhinaca Degmada Baydhabo oo weli fariisin KMG ah u ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
 
Lama oga in ay Ciidamadan Itoobiyaanka ah ku sii negaan doonaan Degmada Diinsoor iyo in ay isaga bixi doonaan, waxaase jirta cabsi ay Dadka Degmadaas ka qabaan inay dhaco dagaal dhexmara Ciidamada Itoobiyaanka ah ee saaka soo gaaray iyo weliba Xoogaggii Shabaabka oo ay dhici karto in ay weerar ku soo qaadaan Ciidamada Itoobiyaanka.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xoogagga la dagaalama Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa waxay bilaabeen in ay weerarro ku qaadaan, isla markaana ay waqti kooban qabsadaan fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku yaala Gobollada Bay, Bakool, Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia