4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2008
Guddoomiyihii hore ee Degmada Beledweyne oo Xalay lagu dilay Deegaanka Ceel Dheer ee Degmada Guriceel

Isniin,  March 17, 2008(HOL): Gudoomiyihii hore ee Degmadda Beledweyne Axmed Gobey Cawaale ayaa heenimadii xalay waxaa ay kooxo hubeysan ku dileen Deegaanka Ceel-dheer oo 5km u jira Degmadda Gure-ceel ee Gobalka Gal-gaduud kadib markii kooxo hubeysan ay kala tageen Mas'uulka gaarigii uu la socday.
 
Sidda uu HOL u sheegay Cilmi Yare oo ahaa darawlkii waday Gaariga uu la socday Axmed Gobay Cawaale kooxaha hubeysan ayaa marka hore dalbaday in la siiyo lacag (5,000,000 ) isagoo intaas ku daray in markii danbe ay ku amar ku bixiyeen in uu gaariga ka soo dego Axmed Gobey Cawaale oo ay rasaas ku fureen.
 
Cilmi Yare waxaa uu intaas raaciyay in markii ay dilka geysteen kadib kooxaha hubeysan isaga tageen goobta iyagoo aan wax baraasho ah geysan,  waxaana uu intaa raaciyay in ay u soo gurmadeen Wax-garad ka yimid Degmadda Gure-ceel oo soo qaaday ayuu yiri Maydka Marxuumka geeriyooday.
 
Axmed Gobey Cawaale oo ka tirsanaan jiray Saraakiisha Ciidamadda Baliiska ayay Dowladda Federaalku u soo Magacaawday in uu Noqdo Gudoomiyaha Degmadda Beledweyne kadib markii xilkaa laga qaaday Gudoomiyihii ka horeeyay Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) hasae ahaatee muddo kadib ayay hadana Dowladda Federaalku wareegto kaga qaaday Xilka Gudoomiyaha Degmadda Beledweyne Axmed Gobey Cawaale, wixii waqtigaas ka danbeeyayna ma jirin wax xil ah oo uu ka qabtay Maamulka Gobalka Hiiraan.
 
Dhinaca kale kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhigga Baliiska Degmadda Gure-ceel kuwaasi oo sida wararku sheegayaan doonayay in ay furtaan Nin ku xiran Saldhigga Degmadda Gure-ceel oo loo heysto gaari laga oo dhacay Gobalka Mudug.
 
Ciidamadda Nabad-galyadda Degmadda ayay wararku sheegayaan in kooxaha weerarka soo qaaday kala wareegeen gaarigii ay wateen, waxaana wararku intaa ku darayaan in uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday.
 
Marka la eego Xaaladda guud ee Gobolladda Dhexe waxaa la oran karaa ma'aha mid dagan, waxaana si weyn Biliihii aynu soo dhaafnay ugu soo badanayay Kooxo hubeysan oo qaarkood dhibaato u geysta dadka safarka ah ee isticmaala wadada isku xirta Gobaladda dhaxe, iyo waliba kuwa sheegta in ay ka soo horjeedaan jidkooda kooxaha maleeshiyadu dhigtaan laakiin hadana ka geysta meelaha qaar weerarro ay dad ku dhitaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia