4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2008
Madaxweynaha Somaliland oo Guddi u magacaabay xallinta khilaafaadka Guddiga Doorashooyinka

Isniin,  March 17, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa la sheegay inuu guddi saddex xubnood ah u magacaabay khilaafka u dhexeeya xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kadib markii Guddoomiyaha Komishanku dhowaan u gudbiyey Madaxweynaha qoraal uu ku dalbanayo in la soo beddelo xubin ka mid ah Komishanka oo ah xubintii uu soo xulay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo Lixda xubnood ee kale ee Komishanku ay isku raaceen in aanay wada shaqayn karin xubintaas.

Sida uu qoray Wargeyska Saxansaxo ee ka soo baxa Hargeysa, Madaxweyne Riyaale waxa uu u magacaabay inay soo baadhaan khilaafkaas, Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Gobolka Hargeysa, Aadan Xera-dhiig, Guddoomiyaha Hay;adda Shaqaalaha, Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cadami) iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyada, haatanna ah La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshada, mudane Nuux.

Lama sheegin hawsha Madaxweyne Riyaale u saaray guddidaasi. Hase yeeshee, Xisbiga UCID oo jawaab qoraal ah ka bixiyey go’aanka Guddida Komishanku shaqada kaga joojiyey xubinta Komishanka, Mr. Axmed X. Daahir Bidaar ayaa tilmaamay in dariiqa loo marayo shaqo ka saarista Xubin Komishanka ka midka ah ay tahay sida uu dhigayo qodobka 13aad ee Xeer No. 20/2001, xeerka Doorashooyinka Deegaanka iyo Madaxtooyada oo uu ku dhisan yahay Komishanka Doorashooyinku, kaas oo tilmaamaya in xubinta Komishanka ee shaqada laga saarayo xubnaha kale ee Komishanku ay u qorayaan Madaxweynaha, Madaxweynuhuna uu u saarayo Guddi soo baadha arrinta, kadibna marka guddidaasi talobixin ku celiso Madaxweynaha haddii uu go’aamiyo in xubintaas shaqada laga saaro ama la beddelo uu u gudbinayo markaa Golaha Wakiillada oo cod u qaadaya, isla markaana ku ogolaanaya ama ku diidaya shaqo ka saarista xubintaas cod haldheeri ah (Simple Majority).

Waxaana la filayaa in Madaxweyne Riyaale uu guddidan u magacaabay inay ka soo talabixiyaan eedaynta xubintaas iyo khilaafka u dhexeeya xubnaha Komishanka, bilowna ay u tahay dariiqa loo marayo codsiga Guddoomiyaha Komishanku ku soo dalbaday in xubintaa la soo beddelo.

Xubin ka mid ah Komishanka Doorashooyinka ayaa ka aragti duwanaaday xubnaha kale ee Guddida, isaga oo marar badan cambaareeyey xubnaha kale ee Komishanka iyo xukuumaddaba oo uu ku eedeeyey in aanay daacad ka ahayn in doorashadu qabsoonto wakhtiga loogu talagalay, khilaafkaas oo muddo soo jiitamayey, waxa uu sababay aakhirkii in guddoomiyaha Komishanku uu shaqada ka joojiyo xubintaas.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland