4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2008
Hargeysa oo mar kale ku waaberiisatay Waraabe Qoorta laga jaray oo la dhigay mid ka mid ah Xaafadaha Magaaladaas

Sabti, March 15, 2008(HOL): Xaafado ka mid ah magaalada Hargeysa ayaa, markale lagu arkay meydka Waraabe qoorta laga jaray oo lagu tuuray xaafad ka mid ah magaalada dhexdeeda, taas oo dadweynaha xaafaddaas argagax iyo baqdin gelisey.

Xaafadda Cabbaaye ee Waqooyiga magaalada Hargeysa ayaa subaxnimadii hore lagu arkay Waraabe Qoorta laga jaray oo lagu tuuray Sariibad xaafaddaasi leedahay agteeda, waana markii labaad ee Waraabe noocaas oo kale ah lagu arko xaafadaha Hargeysa dhexdeeda, iyada oo Toddobaadkii horena Waraabe sidan oo kale madaxa laga jaray, lugahana xadhig ama taar kaga xidhan yahay lagu arkay xaafadda Oktoobar ee Waaxda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Waraabayaashaa oo Maydkooda goor habeennimo ah la dhigo xaafadaha lagu arkay, waxay shaki, baqdin iyo argagax ku rideen dadweynaha xaafadaha Hargeysa oo isweydiinaya dhacdadan oo ah mid aan hore loo arag. Waxayna dad badani u arkaan in loo isticmaalay Waraabayaashaas Sixir. Sidaas darteedna, waxa lagu gubey Waraabayaashaas mid walba goobtii la dhigay, kadib markii dadka xaafaddu isugu soo baxeen, isla markaana ay la tashadeen culimada iyo odayaasha.

Waraabahan habeen hore lagu arkay xaafadda Cabbaaye ayaa la sheegay in isaga aan qoorta laga jarin, balse, la diley, kadibna dhegaha laga jaray, iyada oo dadka qaarkood sheegayaan in sidoo kale carabka laga jaray.

Ilaa iyo hadda lama ogaan ujeeddada ka dambaysa dilka waraabayaashaas xaafadaha dhexdooda lagu arkay iyo cidda dhigtay ama dishey midna.

Warar aan sugnayn ayaa sheegaya in hal nin loo qabtay tuhun la xidhiidha Waraabayaashaas xaafadaha dhexdooda la dhigo, iyada oo sida la sheegay ay daba joogaan culimada Wanaag-farista iyo xumaan reebista.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.